​Duulimaadyada Muqdishu oo la joojiyay maalinta Doorashada

Image

MUQDISHU, Somalia- Dowladda Somalia, ayaa shaacisay inaan duulimaad laga samayn doonin magaalada Muqdishu oo lagu wado in doorashada Madaxweynaha ka qabsoonto 08 Febreuary, 2017.

Balse doorashada ayaa waxaa ka harsan wax ka yar 48-saacadood, taasoo keentay in ammaanka aad loo adkeeyo is-lamarkaana la xiro waddooyinka caasumadda Somalia.

Sababaha loo xiray is-socodka gaadiidka ayaa lagu sheegay adkaynta amniga iyo sidii looga hortagi lahaa falal argagixiso oo kooxda Shabaab fuliso maalmaha doorashada.

Sidaas si lamid ah waxaa dowladda Somalia hakisay duulimaadyada diyaaradaha imaan jiray magaalada Muqdishu maalinta doorashada.

Wasiirka wasaaradda Duulista Hawada xukuumadda waqtigeedu dhammaaday ee Somalia, Cali Jaamac Jangali ayaa warbaahinta gudaha u sheegay inaysan imaan doonin duulimaadyo kala duwan asbaabo ku saabsan doorashada Madaxweynaha oo maalintaas dhacaysa.

Faah faahin dheeraad ah kama bixin sababta keentay in duulimaadka la hakiyo.

Ammaanka Muqdishu ayaa la adkeeyay, waxaana socda diyaar garowgii ugu dambeeyay iyadoo xilka Madaxweynaha u taaganyihiin 23 murashax.

Tallaabadan ayaa timid xilli maanta uu dhaqan galay amar kasoo baxay maamulka gobolka Banaadir oo lagu xirayay waddooyinka Muqdishu.

GAROWEONLINE

Related Articles

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM