Eedeysanayaal baxsad ah kuna soo wajahnaa Soomaaliya oo la qabtey

Image
Nicholas Mwaniki Nginga iyo Fariida Cusmaan ayaa la filaaya in maxkamad lasoo taago.

NAIROBI, Kenya - Eedeysane looga shakisan yahay inuu ka dambeeyay dilka qof ka caweynaayey baar ku yaalla magaaladda Kitengela ee Kenya ayaa waxaa xiray dambi-baarayaasha, sidda ay qortey saxaafada maxaliga.

Askari hore oo ka tirsanaa ciidamadda difaaca Kneya, Nicholas Mwaniki Nginga, oo 39 jir ah, ayaa isaga iyo saaxiibtiis, Farida Osman, 24-jir, waxaa gacanta lagu dhigay Sabtidii todobaadkan.

Dambi-baare si dhow ula socda kiiskan oo la hadlay The Star ayaa xaqiijiyey in labada qof la qabtay xilli ay ku sii jeedeen Soomaaliya halkaasoo ay doonayeen in ay ku baxsadaan.

"Haweenayda aan la xirnay eedaysanaha waxay xiriir jaceyl la lahayd ninka la dilay Jibriil Cabdullaahi," ayuu yiri sarkaal oo sababo ku aadan xasaasiyada kiiska uga gaabsadey magaciisa.

Goobjooge la socday shaqsiga la khaarijiyey ayaa sheegay in Nginga uu C/laahi ku weeraray mindi taasoo sabab u noqotey in isla goobta uu ku geeriyoodey dhibanaha.

"Eedeysanaha ugu weyn wuxuu ogaaday in Cabdullaahi uu xoogaa xiiseeyey Farida, shaqaalihiisa iyo gacaladiisa, kuma faraxsanayn markii ay ku hadlayeen luqad uusan fahmin," ayuu goobjoogaha raaciyey.

Weerarka ayaa ka dhacay baar uu leeyahay tuhmanaha. Booliska ayaa sheegay in tuhmanayaasha loo gudbin doono maxkamadaha sharciga si ay u wajahaan cadaaladda. Labada qof waxaa lagu soo oogi doonaa dembi dil ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM