Faadumo Korneyl: Haweenaydii fursad ay DF siisay gumaad ku geysatay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Todobaadkii hore, Maxkamadda Ciidamadda Soomaaliya waxaa lasoo taagay afar eedeysane, oo loo haysto argagixisanimo iyo kamid noqoshadda Al-Shabaab.

Shaqsiyaadkaas ayaa la sheegay in ay kamid yihiin shabakad ka kooban sagaal, oo ururka gacansaarka la leh Al-Qaacida ka tirsan, isla markaana Muqdisho ka fuliyey dilal qorsheysan iyo qaraxyo.

Maxamed Xaaji Axmed oo Al-Shabaab looga dhex-yaqaano Xudeyfa iyo Ilkacase, maxkamaddanna kasoo muuqday, waa hogaamiyaha shabakaddaas, oo ay ku jirto haweenay.

Faadumo Xuseen Cali Cadaawe oo magacyadeeda afgarashadu yihiin Faadumo Korneyl iyo Cosobo, ka sokow Al-Shabaabnimada, sheekadeeda way ka duwan tahay eedeysaneyaasha kale.

Saalim Saciid Maxamed [Salmaan] iyo Axmed Maxamed Haashim [Carab iyo Xirsi] ayaa lagu kala magacaabaa xubnaha kale.

Xukun-sugeyaasha ayaa la qabtay markii uu fashilmay shirqool dil ah oo ay damacsanaayeen in ay xaafadda Saybiyaano ee degmada Wadajir ugu geystaan xubin ka tirsan Ergada.

Ilkacase, oo la sheegay in uu Barre ka ahaa mid kamid ah Iskuulada ay dowladdu maamusho ee ku yaala Muqdisho, ayaa u sheegay maxkamadda in maleeyshiyadda Al-Shabaab "u dhutin doonto".

Hay'adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka ee loosoo gaabiyo NISA ayaa shaaca ka qaadey in ay ku raadjoogto shanta kale ee ka tirsan shabakadda uu horjoogaha ka yahay Ilkacase.

Waa tuma Faadumo Korneyl?

Sidda ku cad dukumiintiyo uu helay warisdaha Garowe Online, Faadumo ayaa fulinta howlgaladda Al-Shabaab u adeegsaneysay fursad ay siisay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Fursadaha ayaa kala ah; in ay xubin ka ahayd ururka Hooyinka Qaranka si lamid ah kun dhalinyarro oo xukuumadda iyo dowladda hoose ee Xamar ay shaqo abuur u sameeyeen.

Dukumiintiyadda la dusiyey ayaa waxaa qayb ka ah in ay haysatay aqoonsiyo dowladeed oo ay ku mari-jirtay kontarooladda muhiimka ah.

"Farsamadeeda gaarka ah waa is-tusida kuwa wax dila iyo wiilka ama gabadha la qorsheeyay in nolosha loo aqoonsado ee ka tirsan weelka dowladnimadda," ayaa lagu yiri dacwadda.

Intii lagu guda jiray su'aallo waydiinta, Faadumo ayaa u sheegtay baareyaasha in ay Al-Shabaab ku biirtay bishii Maaj ee sanadkan 2019.

Kamid noqoshadda Al-Shabaab waxaa "ku tashkiiliyey" Cabdullaahi Cabdi Biyamaaxo, oo ah nin ay dhashay eedadeed, sida ku xusan qiraalada laga qoray oo nuqul kamid ah uu arkay mareega GO.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ingiriiska oo Hakiyay Wadahadallada Israel xilli Colaadda Gaza Sii Kordhayso

Tallaabadan UK ayaa astaan u ah cadaadiska siyaasadeed ee sii kordhaya ee caalamka…

  • Soomaliya

    20-05-2025

  • 04:33PM

Weerar Hoobiye oo lagu qaadey Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho

Garoonka Aadan Cadde ayaa hoy u ah xafiisyada Qaramada Midoobay iyo qaar kamid ah safaaradaha shisheeye.

  • Soomaliya

    20-05-2025

  • 09:11AM