Faafaahin ku saabsan dab ka kacay Suuqa weyn ee magaalada Jowhar

Image

JOWHAR, Soomaaliya - Dab xooggan ayaa Xalay Saqda Dhaxe ka kacay qeyb ka mid ah suuqa weyn ee magaalada Jowhar, kaas oo geystay khasaare hantiyeed sida ay wariyeen dadka deegaanka.

Dabkan ayaa laga hortagay inta uuna ku fidin qeybaha kale ee suuqa isagoon waxa khasaare ka dhalan oo aan eheen baaba'a soo gaaray foornada.

Ilaa haatan ma jiro qof mas'uul ah oo ka tirsan maamulka Hirshabelle ama gobolka Shabeellaha dhaxe oo ka hadlay dhacdadan.

Bishii hore ayay aheyd marka uu ka kacay isla suuqa dab baab'iyay dukaano badan kuwaas oo lagu qiyaasay 120 dukaan, madaxweynaha Hirshabelle ayaa markaas booqday suuqa, si uu qiimeeyo khasaaraha meesha ka dhacay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Wajahaya Go’doon Siyaasadeed iyo Isbahaysigiisii oo Burburaya  

Kala daadashadan waxay kusoo beegmaysaa xilli dalku wajahayo loolan adag oo la xiriira wax ka beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 01:20PM

Qarax ka dhacay Buuraleyda Calmiskaad oo lagu dilay afar qof

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hore u ballan qaaday in la xoojin doono howlgalada militari.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 12:45PM