Faahfaahin kasoo baxday Qarax ka dhacay magaalada Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dadka ku dhaqan Magaalada Muqdisho, ayaa waxay saaka aroortii ku soo tooseen dhawaqa Qarax Ismiidaamin ah oo lala eegtay fariisin ciidamada ay ku leeyihiin Ceelasha biyaha.

Qaraxan ismiidaaminta ah ayaalagu fuliyay gaari nooca aan xabadu karin oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa, kaasi oo sii kordhiyay qasaaraha ka dhashay falkan.

Ilaa hadda waxaa la warinaya geerida sarkaal taliye hurin ka ahaa saldhigga la weeraray iyo dhaawaca dhowr askari oo ka tirsan xoogga Dalka.

Laamaha amaanka ayaan wali xaqiijin tirada saxda ah ee ku dhintay qaraxan, xilli saldhigga laga bilaabay baaritaano ku aadan sida ninka weerarka fuliyay uu ku soo galay xirada.

Ceelasha Biyaha ayaa dhawaanahan laga fuliyay weeraro is-daba-joog ah oo ay ka dambayaan kooxda AS, hay'adaha amaanka ayaana inta badan lagu eedayaa in ay gabeen howlahooda ku aadan xaqiijinta amniga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo soo afjartay howlgalkeedii siyaasadeed ee Soomaaliya

Zenenga ayaa xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dhismaha hay’adaha dowladda, nidaamka federaalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 12:13PM

Aadan Madoobe oo Itoobiya kala hadlay amniga Baydhabo iyo ka hortagga weerarrada Lafta-gareen

Itoobiya ayaa ciidamo ku leh Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo qayb ka ah dadaallada amniga ee dalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 05:27AM