Faahfaahin ku saabsan qarax ka dhacay magaalada Beledweyn

Image

BELEDWEYNE, Soomaaliya - Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa goordhow waxaa ka dhacay qarax xooggan oo si weyn looga maqlay guud ahaan magaalada. Qaraxan ayaa ilaa haatan la shhaacin bartilmaameedkiisa ayaa geystasy Khasaare Nafeet iyo mid hantiyadeed.

Dadka deegaanka ayaa warinaya in gaari weyn oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa loo adeegsaday qaraxan waxuuna ka dhacay barta Koonatarool ee Horseed oo ku taalla nawaaxiga Warshada Cabitaanka Horseed ee Baladweyne.

Xaafadda Horseed ayaa caan ku ah maqaayadaha iyo goobaha ganacsiga waxaana Baraha bulshada la soo dhigay muuqaal muujinaya burburka baaxadda leh oo qaraxa ka dhashay.

Ilaa iyo hadda waxaa la xaqiijiyay geerida in ka badan 20 qof oo ku dhimatay qaraxan, iyada oo laga cabsi qabo in tirada dhimashada ay sii kororto, halka ciidamada amaanka ay goobta uu qarxa ka dhacay ka sii wadaan baaritaano lagu ogaanayo baaxadda uu la'eg yahay khasaaraha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo soo afjartay howlgalkeedii siyaasadeed ee Soomaaliya

Zenenga ayaa xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dhismaha hay’adaha dowladda, nidaamka federaalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 12:13PM

Aadan Madoobe oo Itoobiya kala hadlay amniga Baydhabo iyo ka hortagga weerarrada Lafta-gareen

Itoobiya ayaa ciidamo ku leh Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo qayb ka ah dadaallada amniga ee dalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 05:27AM