Faahfaahin ku saabsan qarax khasaare geystay oo ka dhacay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Fiidnimadii caawa ayaa weerar ismiidaamin ah lagu qaaday maqaayad lagu magacaabo Sky Blue oo ku dhow Tiyaatarka Qaranka ee magaalada Muqdisho, waxayna sidoo kale ay ku taal meel ku dhow xarumaha muhiimka ah ee dowladda.

Sida xogta aan ku helayno hay’adaha amaanka ayaa xaqiijiyay in hal askari uu ku dhintay weerarka ismiidaaminta ah, iyo agaasimihii TV-ga Somali Cable Cabdifataax Qays oo ku geeriyooday isbitaalka kadib dhaawac culus oo ka soo gaaray qaraxa.

Dowladda ayaan weli wax war ah ka soo saarin qaraxan oo lala beegsaday goob ay ku cunteeyaan mas’uuliin ka shaqeeya hay’adaha dowladda ama kuwa gaarka loo leeyahay.

Laamaha ammaanka ayaa sii wada baaritaanada ku aadan ninka is qarxiyay ee goobtan muhiimka ah u soo gudbay, iyadoo la filayo in tirada rasmiga ah ee waxyeelada ka dhashay qaraxa ay muujiyaan khasaarae intaa badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muxuu Trump u diiday inuu lacag ku bixiyo howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya?

Howlgalka ATMIS oo la filayo inuu gebi ahaanba baxo dabayaaqada sannadkan ayaa weli ku leeyahay mushaarooyin iyo gunnooyin gaaraya ilaa $100 milyan.

  • Soomaliya

    10-05-2025

  • 05:31PM

Firdhiye oo Xasan Sheekh la wadaagay Warbixin ku saabsan Xaaladda SSC-Khaatumo

Firdhiye ayaa uga mahadceliyay sidoo kale Xasan Sheekh casuumaadda uu usoo diray ee ka qeybgalka Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran.

  • Soomaliya

    10-05-2025

  • 04:15PM