Faahfaahin ku saabsan weerar ay argagaxisadu ku qaadeen Daar-Nimca

Image

RUNIRGOOD, Soomaaliya - Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa maanta iska caabiyay weerar xooggan oo ‘AS’ ay ku qaadeen deegaanka Daaru-Nimca ee hoostaga degmada Runrigood.

Xubnihii ‘AS’ ee weerarka ku soo qaaday deegaanka ayaa la sheegay in khasaare xooggan uu soo gaaray, sida ay sheegeen dadka deegaanka, iyadoo mas’uuliyiinta Hirshabeelle iyo kuwa dowladda Federaalka aysan wali wax war ah ka soo saarin weerarka.

Cutubyo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa gurmad ugu tagay ciidamda ku sugan deegaanka Daaru-Nimca iyaga oo ka kala yimid deegaanada kale ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa dhawaan booqday deegaanka isaga oo dadka deegaanka iyo ciidamada xoogga dalka ee halkaasi ku sugan kala hadlay dagaalka ka dhanka ah ‘AS’.

Waxaa xusid mudan in weerarkan uu yahay kii 3-aad ee argagaxisada ku qaadaan deegaankan, taasoo muujineysa sida ay ‘AS’ uga go’an tahay inay gacanta ku dhigaan, iyaga oo marwalba jab kala kulma Ciidamada Qaranka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Wajahaya Go’doon Siyaasadeed iyo Isbahaysigiisii oo Burburaya  

Kala daadashadan waxay kusoo beegmaysaa xilli dalku wajahayo loolan adag oo la xiriira wax ka beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 01:20PM

Qarax ka dhacay Buuraleyda Calmiskaad oo lagu dilay afar qof

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hore u ballan qaaday in la xoojin doono howlgalada militari.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 12:45PM