Faahfaahinta qarax xoogan oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Image
SAWIRKA: Goobjoogayaal

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax Ismiidaamin ah oo loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyay walxaha Qarxa ayaa maanta lagu weeraray Xerada Dhul-bixinta eay maamusho dowladda hoose.

Gaarigan ayaa isku deyay inuu xoog ku soo dhaafo bar kantrool ay ciidamado ku leeyihiin wadada warshadaha, taasoo keentey inay rasaas kaga hortagaan.

Gaarigan ayaa ahaa mid aan xabadu karin, waxa uuna markii dambe ku qarxay gudaha Xerada.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in qaraxaasi ay ku dhinteen 3 askari tiro kalena ay ku dhaawacmeen. Laamaha amaanka ayaan wali wax war ah kasoo saarin dhacdadan.

Qaraxaan ayaa si weyn looga maqlay magaalada Muqdisho, iyada oo guriyaha qaar gariirka qaraxa laga dareemay, sida ay sheegeen goob-joogayaal ku dhaqan Caasimadda.

Dhacdadan ayaa kusoo beegmeysa xili ciidamada ay ku dhawaaqeen in deegaano dhowr ah ay ka xoreeyeen kooxda Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Qaramada Midoobay oo soo afjartay howlgalkeedii siyaasadeed ee Soomaaliya

Zenenga ayaa xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dhismaha hay’adaha dowladda, nidaamka federaalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 12:13PM

Aadan Madoobe oo Itoobiya kala hadlay amniga Baydhabo iyo ka hortagga weerarrada Lafta-gareen

Itoobiya ayaa ciidamo ku leh Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo qayb ka ah dadaallada amniga ee dalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 05:27AM