Fahad Yaasiin Daahir oo magacaabay bedelka Kulane

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Agaasimaha hay'adda mukhaabaraadka Soomaaliya, Fahad Yaasiin Daahir, ayaa lagu waramay in uu magacaabay bedelka Cabdullaahi Aadan Kulane kaasoo todobaadkii hore uu eryay ra'iisul wasaarahq xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.

Sida ay xaqiijinayaan warbixinadda soo baxaya kuwaasoo Garowe Online u xaqiijiyeen dhowr illo wareedyo kala duwan kuna dhow xafiiska agaasimaha, Cabaas Yacquub ayuu Fahad u xushay in uu noqdo bedelka Kulane.

Cabaas oo kamid ahaa hogaanka sarre ee hay'adda hadana noqonaya agaasime ku xigeenka hay'adda ayaa si gaar ah wuxuu madax ka ahaa qeybta Maamulka, Maaliyadda iyo Tiknoolijiyada.

"Sidoo kale, Cabaas waa ninka loo badinayo inuu noqon doono Kusimaha Agaasimaha Hey’adda NISA, marka uu xilka xilka banneeyo Fahad Yaasiin oo la rumeysan yahay inuu doonan rabo kursi Xildhibaan si uu xasaanad ugu helo haddii Farmaajo dib loo dooran waayo," ayay raaciyeen illo wareedyadda.

Kursiga Xildhibaanimada ee Fahad damaca uga jiro waxaa degaan doorashadiisu tahay HirShabelle gaar ahaan magaaladda Jowhar, waxaana hadda ku fadhiya Faarax Cabdulqaadir, mid kamid ah xulafada Xasan Sheekh Maxamuud, madaxweynihii hore ee dalka.

Kaliya ma ahan Fahad Yaasiin shaqsiyaadka Xildhibaanimada u goobaya in ay isku ilaaliyaan haddii Farmaajo dib loo dooran waayo, waxaa kamid ah in ka badan 10 sarkaal kale oo kamid ah NISA kuwaasoo kasoo kala geli doona maamulada taabacsan dowladda.

Saraakiishan uu kamid yahay Kulane ayaa ka cabsi qaba in ay wajahaan maxkamadeyn haddii Farmaajo ku fashilmo difaacashadda kursiga "maadaama ay wajahayaan eedeymo kala duwan oo isugu jira tacadiyo bini'aadanimo iyo weeraro ka dhan ah madax iyo siyaasiyiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DF Soomaaliya oo isu diyaarineysa weerar ka dhan ah Koonfur Galbeed, doorka Itoobiya maxuu noqon doonaa?

Khilaafka oo markii hore ahaa mid siyaasadeed ayaa si degdeg ah isu beddelay dhaqdhaqaaqyo..

  • Soomaliya

    27-03-2026

  • 09:38PM

Lafta-Gareen: Tallaabooyinka dowladda qaadey waa dagaal Toos ah oo KG lagu soo qaadey

Shacabka Koonfur Galbeed waxay u arkaan tallaabada dowladda Soomaaliya weerar qabiil, oo lagu soo qaadey Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    26-03-2026

  • 08:21AM