Al Shabaab weerartay Afgooye, xilli hogaamiye laga dilay

Image

AFGOYE, Somalia - Dagaalayahanda Ururka Al shabaab ayaa xalay weerar culus ku qaadey degmada Afgooye, ee gobolka Shabeellaha hoose, oo qiyaastii 30KM dhanka Waqooyiga Galbeed uga beegan magaalada Muqdishu.

Weerar oo ahaa mid dhowr jaho ayaa waxay ku qaadeen Xoogaga Al shabaab Fariisamo Ciidamada Militariga dowladda ku leeyihiin gudaha degmada, kaasi oo dhaliyay dagaal toos ah, oo mudo socday.

Sida ay Warsidaha Garowe Online u sheegeen dadka deegaanka, dagaalyahanada Al-shabaab oo watay Hubka nuucyadiisa kala duwan ayaa weerarka waxay ka soo bilaabeen dhanka Wabiga, halkaasi oo Ciidamada Dowladda ay ku leeyihiin Fariisamo.

Dagaalka oo ahaa mid culus, ayaa xoogiisa waxa uu ka dhacay Xaafadaha Siigaale iyo Ceel-qode ee degmada Afgooye, waxaana ka dhashay khasaarooyin kala duwan, oo labada dhinac rayid isagu jira.

Wararkii ugu dambeeyay ee aan ka helay Afgooye, ayaa sheegaya in ay dib u ruqaansadeen Shabaab-kii weerarka soo qaaday, kadib markiiay iska-caabin xooggan kala kulmeen Ciidamada Dowladda Somalia.

Masuuliyiinta maamulka gobolka Shabeellaha Hoose oo aan la xiriirnay si aan wax uga weydiino dagaalkan iyo khasaarha rasmiga ah ee ka dhashay ayaa inoo suurta-gelin inaan Taleefonka ku haleelno.

Xaaladd Afgooye ayaa saaka si caadi ah kusoo laabatay, kadib weerarka, waxaana Ciidamada ay sameeyeen Howlgallo ay ku xaqiijiyeen amniga magaalada, oo inta badan Al shabaab kasoo weerarto deegaanada ku dhaw.

Weerarka Afgooye ayaa kuso beegmay, xilli ay Al shabaab xalay xaqiijisay Geerida hogaamiyahoodii u qaabilsan Howlgallada Muqdishu, Cali Jabal, iyo wiil yar oo uu dhalay oo 30-kii July lagu dilay Duqeyn Mareykanka ka fuliyay deegaanka Tooratoorow, isla gobolka Shabeellaha hoose.

GAROWEONLINE

Related Articles

Muxuu Bixinayaa Sawirka Labada Taliye Sirdoon ee Ku Sugan Dalka Itoobiya?

Kulanka labada taliyeyaal ayaa kusoo beegmaya xilli kooxda Al-Shabaab ay maanta…

  • Soomaliya

    27-07-2025

  • 06:39PM

Xasan Sheekh oo la kulmay Abiy Ahmed kahor Shirka Addis Ababa

Shirka waxay dalalka kale usoo direen wafuud aan Madaxweyne ku jirin, oo heerkooda hooseeyo.

  • Soomaliya

    27-07-2025

  • 01:21PM