Xog laga helay is-qarxiyihii beegsadey xerada Gen Dhagobadan

Image
Taliyaha ciidamadda Soomaaliya ayaa sheegay in baaritaan la bilaabay "si loo ogaado waxyaabaha qarsoon".

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliyaha Milatariga Soomaaliya, Odowaa Yuusuf Raagge, ayaa u sheegay warbaahinta dowladda in is-qarxiyihii beegsadey xerada warshadii hore ee Nacnac "uusan gaarin hadafkiisa" lana bilaabay baaritaan.

Warar loo qaateen ah ayaa tibaaxaya in ismiidaamiyaha uu isku soo ekeysiiyey askarta safka ugu jirtey kamid noqoshada ciidanka xoogga isla markaana uu dhex-galay askarta. Waxyaabaha u sahlay waxaa kamid ah habeenimada.

Saldhigan ciidan oo sidoo kale lagu magacaabo Jeneraal Dhagobadan ayaa waxaa lagu tababaraa cutubyo kamid ah milatariga Soomaaliya waxaana horey dhowr jeer u beegsadey Al-Shabaab.

Cabdirizaq Gurey Farax ayaa kamid ahaa dhalinyaradii ku dhimatey qaraxii lala beegsadey xerada ciidamada “NACNAC” ee magaalada Muqdisho, sidda uu ogaadey warsidaha Garowe Online.

Sidda ay caddeynayaan macluumaadyadda loo helayo sidda horudhaca ah, dhalinyarada qaraxa lala beegsadey ayaa saf ugu jirtey tababar Milatary ee loogu qaadi lahaa dalka dibadiisa.

Fahfaahinadda qaarkood oo laga helayo illo muhiim ah ayaa sheegaya in dhalinyaradaan Axada maanta ah loo qaadi lahaa dalka Masar halkaas oo tababar ciidan lagu siin lahaa.

Dalka Eritrea ayaa weli waxaa ku maqan dhalinyaro tababar loogu qaadey kuwaas oo titadoodu kor u dhaafeyso shan kun kuwaasoo qaabkii loo maamulay qoridooda su'aallo ka yimaadeen.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqdey dalka Eritrea ayaa sheegey in dhalinyardaan oo muddo sadex sano ah ka maqan dalka dib u soo celin doono. Hase ahaatee, waxaa la sheegay in wali ay ka taagan tahay caqabad dhanka dhaqaalaha ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM

Puntland oo Ka Digtay Hub ay Dowladda Federaalku Geysay Deegaankeeda

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sannadkii hore ee 2025-ka ku faanay in maleeshiyaad ka dhex qortay gudaha Puntland.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 11:55AM