​Fahfaahin: Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Xabsiga Dhexe ee Xamar

Image

MUQDISHU, Somalia - Fahfaahin ayaa kasoo baxaysa qaraxa Ismiidaamin ah, oo maanta oo Jimco ah ka dhacay gudaha Xabsiga Dhexe ee Xamar, kaasi oo geestay khasaaro isagu jira dhimasho iyo dhaawac. 

Cap Maxamed Xuseen, oo ah Sarkala katirsan Booliska dowladda Federaalka Somalia ayaa Warsidaha Garowe Online u xaqiijiyay in Qaraxa uu ka dhacay Afaafka hore ee Masjid ku yaalla gudaha Xabsiga. 

Wuxuu sheegay in qof isku soo xiray walxaha qarxa uu fuliyay qaraxa, kaasi oo uu la damacsanaa inuu ku dilo Taliyaha Ciidamad Asluubta Somalia, Jeneraal Xuseen Xasan Cusmaan, oo xilligaasi galayay Masjidka. 

Inta la xaqiijiyay Qaraxa waxaa ku geeriyootay Laba Qof oo kala ah ninkii is qarxiyay iyo Askarigii hor istaagay Ismiidaamiyaha, iyadoo sidoo kale ay ku dhaawacmeen saddex kale oo loola cararay Isbitaal. 

Qaraxa ayaa dhacay markii ay soo dhaweyd tukashada Salaadii Jimcaha ee maanta, waxaana si weyn looga maqlay qaar ka tirsan degmooyinka gobolka Banaadir. 

Saraakiil ay kamid yihiin, Taliyaha Ciidanka Asluubta Jen Xuseen Xasan Cusmaan iyo Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida, Liibaan Cali Yarow, ayaa maalin kasta oo Jimcaha ah maxaabiista Salaadda Jimcaha kula tukada Masjidka Xabsiga Dhexe. 

Kooxda Al shabaab ayaa sheegatay mas'uulidda qaraxa Xabsiga Dhexe ee Xamar. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Mucaaradka Oo Muqdisho Ka Bilaabay Kulamo Looga Soo Horjeedo Nidaamka Doorashada 2026

Kulamadaasi ayaa lagu wadaa inay noqdaan hordhac shir weynaha mucaaradka oo dhowaan ka dhacaya Muqdisho.

  • Soomaliya

    23-05-2025

  • 12:32PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqasho ku tagey Wasaaradda Difaaca Soomaaliya

Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugnaa Wasaaradda waxa uu kulan la qaatay Wasiirrada Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-05-2025

  • 06:02PM