​Fahfaahin: Taliye katirsan NISA oo lagu dilay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Somalia - Waxaa Maanta Muqdisho lagu dilay Taliye sare oo katirsanaa Hay'adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Somaaliya ee (NISA), oo lagu magacaabi jirey Maxamuud Xasan Maclin (Qooley).

AUN Qooley oo ahaa Taliyaha NISA ee degmada Kaxda,  ayaa u u dhintay dhaawac culus oo kasoo rasaas Kooxo hubaysan ay ku fureen Gaari uu watay, xilli uu marayay aagga Xoosh ee degmada Dharkeenlay.

Askari ilaalo u ahaa Marxuumka ayaa goobta ku dhintay, iyadoo Kooxda dilka fulisay oo watay Gaari nooca NOAH ah ay u suurta gashay inay baxsadaan, kahor inta aysan Ciidamada amniga soo gaarin.

Saraakiisha NISA ayaa sheegay inay wadaan baaritaano ku aadan dilka Sarkaalka, oo noqonaya kii ugu dambeeyay dilal qorsheysan, oo maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayay degmooyinka Wadajir iyo Dharkeenlay.

Ciidamada dowladda Federaalka Somaaliya ayaa dhawaan soo qabtey Gaari NOAH iyo nin watay, oo ay uga shakiyeen inuu ahaa midkii loo adeegsaday dhowr dilka oo magaalada Muqdisho ka dhacay.

Amniga Muqdisho ayaa ka yara wanaagsan xilliyadii hore, tan iyo markii dowladda Madaxweyne Farmaajoo billowday Howlgalka Xasilinta Caasimadda, oo loo arko inuu wax badan soo kordhiyay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Wajahaya Go’doon Siyaasadeed iyo Isbahaysigiisii oo Burburaya  

Kala daadashadan waxay kusoo beegmaysaa xilli dalku wajahayo loolan adag oo la xiriira wax ka beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 01:20PM

Qarax ka dhacay Buuraleyda Calmiskaad oo lagu dilay afar qof

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hore u ballan qaaday in la xoojin doono howlgalada militari.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 12:45PM