Fahfaahin: Wasiirka Gaashaandhiga DFS oo la kulmay Muktaar Roobow

Image

XUDUR, Somalia - Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Gaashaandhigga dowladda Federaalka Somalia, Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed ayaa gaarey magaalada Xudur, ee gobolka gobolka Bakool.

Safarka Wasiirka iyo Saraakiisha kale ay ku tageen Xudur, ayaa yimid markii uu Mukhtaar Roobow Cali "Abu Mansuur", uu saaka isku soo dhiibay Ciidamada dowladda Federaalka ee ku sugan degmadaasi.

Wasiirka Gaasdhaandhigga ayaa Mukhtaar Roobow kula kulmaya xarunta maamulka degmada Xudur, iyadoo ay Kulanka ay ka qeybgalayaan Mas'uuliyiin katirsan maamulka Koonfur Galbeed Somalia.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan oo isna magaalada ku sugan ayaa kamid ah Madaxda la kulamaya Mukhtaar Roobow, oo la filayo in maanta gelinka dambe loo soo duuliyo magaalada Muqdishu.

Isasa soo dhiibidda Mukhtaar Roobow ayaa timid markii Al shabaab ay ku weerartay deegaankii uu ku sugnaa ee Abaal, oo 18KM dhanka galbeed uga beegan magaalada Xudur, ee xarunta gobolka Bakool.

Roobow ayaa kasoo baxay Al shabaab 2013 markii ay is khilaafeen Axmed Godane, oo xilligaasi beegsi ku hayay hogaamiyaasha sare ee Kooxda, oo kasoo horjeestay fekerkiisa.

Mareykanka ayaa bishii June ka saarey Roobow Liiska Argagaxisada, waxaana uu ka qaadey $5 Million oo madaxiisa taallay, kadib markii ay dowladda Federaalka ka dalbatay, si loo fududeeyo wahadal u socday.

GAROWEONLINE

Related Articles

Mucaaradka Oo Muqdisho Ka Bilaabay Kulamo Looga Soo Horjeedo Nidaamka Doorashada 2026

Kulamadaasi ayaa lagu wadaa inay noqdaan hordhac shir weynaha mucaaradka oo dhowaan ka dhacaya Muqdisho.

  • Soomaliya

    23-05-2025

  • 12:32PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqasho ku tagey Wasaaradda Difaaca Soomaaliya

Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugnaa Wasaaradda waxa uu kulan la qaatay Wasiirrada Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-05-2025

  • 06:02PM