Falcelinta ka dhalatay hadaladii Axmed Madoobe iyo Roobow

Image
Hadalada ay shalay jeediyeen labadan mas’uul ayaa waxay kala qeybisay aragtida dadweynaha.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa markii ugu horeysay meel fagaaro ah kaga sheekeeyay Sababtii rasmiga ahayd ee ay ku kala tageen Alshabaab oo uu mar hoggaankooda ka tirsanaa.

Wuxuu sheegay in burburkii Maxaakiimta kadib isaga la qabtay, lana galiyay xabsi ku yaala Itoobiya , intii uu xirnaana ururka Alshabaab ay biil u dirayeen isaga iyo reerkiisaba.

"Maalintii la isoo siidaayay oo aan Dhoobley imid waxaa ii timid lacag $10 kun doolar ah oo uu iisoo direy Ibraahim Afghaan, wuxuu iigu soo dhiibay Cabdiqani Kabojecel, isaga oo igu leh kaalay Kismaayo imo oo la wareeg kaltankaagii hoggaan," ayuu yiri Axmed Madoobe oo sheegay in intii uu xinaa ay heshiis maamul wadaag ah galeen ururkii uu guddoomiyaha ka ahaa ee Raaskaanbooni iyo Al-Shabaab.

Wuxuuse sheegay in markii uu Kismaayo tagay 2009-kii, uu khilaaf ka dhashay qaabkii loogu heshiiyay in maamulka loo qeybsado, isagana oday ahaan uu u dhexgalay labada urur oo soo kala xushay min seddex xubnood oo dhexdhexaadinta uga qeybgala.

“Markii aan shan maalmood wadahadalkii u fadhinay, oon dhahnay diinta aan ku salayno xalka murankan, waxay Alshabaab yiraahdeen arrintaasi waxa ay ka hor imanaysaa dastuurka ururkeena iyo waxa ay shacabka naga filayaan” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Wuxuu sheegay in sababtaasi ahayd sababtii ay ku kala tageen , maadaamaa Alshabaab ay diinta ka doorteen dastuur ay iyaga dhigteen. Wuxuu intaasi ku daray in Alshabaab aysan diin ku dhaqmin, dhammaan dadka la jooganaya ay labo mid uun kula joogaan, masloxo dhaqaale iyo cabsi.

Sheekh Mukhtaar Rooboow oo goobta fadhiyay ayaa Axmed Madoobe uga marqaati kacay waxyaabaha qaar maadaamaa lagu hadal qabsaday, lana marqaati gashtay.

Waxa ay labadaba shalay ka hadlayeen xiritaankii shirkii culumada ee Muqdisho ka socday, kaas oo ay xusid mudantahay in lagu soo aadiyay weeraro qaraxyo ah oo qasaare badan gaystay.

Dhanka kale, hadalada ay shalay jeediyeen labadan mas’uul ayaa kala qeybiyay aragtida dadweynaha, waxayna dad badan tilmaameen in kuwa maanta shacabka laynaya beri lagu abaalmarin doono xilal iyo mas’uuliyado sida labadan mas’uul oo kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM

Puntland oo Ka Digtay Hub ay Dowladda Federaalku Geysay Deegaankeeda

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sannadkii hore ee 2025-ka ku faanay in maleeshiyaad ka dhex qortay gudaha Puntland.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 11:55AM