Fariin loo diray xubnaha ‘AS’ ee ku go’doonsan Koofurta gobolka Mudug

Image

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Xidhibaan Cabdisalaan Xaaji Dhabancad oo ka tisran Aqalka Hoose ee baarlamaanka Soomaaliya kuna sugan jiida hore ee furimaha dagaalka ‘AS’ ayaa Fariin adag u diray xubnaha ‘AS’ ee ku sugan Koofurta gobolka Mudug.

Xildhibaanka ayaa sheegay in Soomaalida ay ku heshiiyeen in laga adkaado AS, isagoo sheegay in dagaalkan uu guul ku dhamaan doono.

Xildhibaanka oo xiran dareeska ciidanka ayaa ku booriyay kuwa ka tisan AS in ay isku soo dhiibaan ciidamada Dowladda oo ay ka faa’iideystaan cafiska ay u fidisay Dowladda Federaalka.

Dhabancad waxa uu sidoo kale ugu hanjabay xubnaha ‘AS’ ee ku sugan aagga Laas gacmey in ay jabin doonaan haddii ay isku dayaan in ay deegaanka soo galaan.

Gobolka Mudug ee Galmudug ayaa waxaa ka dhaca isku dhacyo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo kuwa ‘AS’ oo weli maamula magaalooyin dhowr ah oo ka tirsan gobolkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo soo afjartay howlgalkeedii siyaasadeed ee Soomaaliya

Zenenga ayaa xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dhismaha hay’adaha dowladda, nidaamka federaalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 12:13PM

Aadan Madoobe oo Itoobiya kala hadlay amniga Baydhabo iyo ka hortagga weerarrada Lafta-gareen

Itoobiya ayaa ciidamo ku leh Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo qayb ka ah dadaallada amniga ee dalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 05:27AM