Farmaajo “Diyaaradaha aan ku safray lacagtooda lagama bixin khasnadda Dowladda”

Image

MUQDISHU, Somalia - Madaxweynaha dowladda Somalia Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa ka hadlay safaradiisa dibadda, oo noqday maalmahan hadal ugu badan bulshada dhexdeeda.

Madaxweyne Farmaajo ayaa difaacay socdaalladii uu ku tagay qaar kamid ah waddamada caalamka, oo uu ku sheegay inay yihiin kuwa uu ku raadinayo danaha qaranka, islamarkaana uu ku xoojinayo xiriirka Somalia kala dhaxeeya dunida.

Wuxuu tilmaamay in diyaaradaha uu ku safro inaysan ahayn kuwa dhaqaalaha ku baxay laga bixiyo Qasnada dowladdiisa, balse ay yihiin kuwa ay usoo diraan dowladaha wadamada uu u socdaalo.

"Dhamaan safarada aan galay waxay ahaayeen kuwa la i casuumay, oo diyaaradahooda la iisoo diray," ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa markii la doortay Febuary 8deedii, waxa uu  safar ku tagay Sacuudiga, Jordan, Kenya, Imaaraadka, iyo Turkiga, iyadoo Arbacada soo socoto uu ku wajahan yahay Itoobiya.

Madaxweynaha Somalia ayaa markii uu ololaha doorashada ku jiray ku cel-celin jiray inuu yareynayo safarada dibada, wuxuuna ku dhaliili jiray Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamud mid aad uga safray dalka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Xasan Sheekh oo loogu baaqey inuu xilka ka dego

War-saxaafadeedka ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed, siyaasiyiinta iyo bulshada rayidka ah inay ilaaliyaan dastuurka.

  • Soomaliya

    05-07-2026

  • 10:22AM

Turkiga oo Soomaaliya ka dhigaya Goob ay Quwadaha Caalamku ku Hardamaan

Warbixintu waxay tilmaamaysaa in xaruntan ay Turkiga u suuragelin karto inuu ballaariyo…

  • Soomaliya

    05-07-2026

  • 06:20AM