Farmaajo iyo Afwerki oo "is-afgarad" ku gaarey magaaladda Asmara

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa booqday dalka Ereteriya muddadii u dhexaysay 10-ka ilaa 11-ka bisha Jannaayo ee 2020, kaddib martiqaad rasmi ah oo uu ka helay Mudane Isaias Afwerki.

Intii lagu gudajiray booqashada, labada Madaxweyne waxa ay yeesheen wadahadallo qotadheer oo ku aaddan xiriirka labada dhinac iyo arrimaha Gobolka, gaar ahaan danaha wadajirka ah ee labada dal.

Labada Madaxweyne waxa ay iyaga oo ku qanacsan isla qireen koboca ballaaran ee ku yimi iskaashiga labada dhinac laga soo bilaabo heshiiskii wadajirka ahaa ee ay kala saxiixdeen bishii July 29, 2018, kaasi oo ku qotomay saaxiibtinnimada iyo Iskaashiga loo dhan yahay.

Labada Madaxweyne waxa ay sidoo kale bogaadiyeen horumarka laga sameeyay iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya, Eriteriya iyo Itoobiya oo ku salaysan Heshiiskoodii Saddex-geesoodka ahaa ee bishii September, 2018.

Labada Madaxweyne waxa ay hoosta ka xarriiqeen in, ka sokoow caqabado iyo dhibaatooyin daba-dheeraaday, xaaladda gobolku ay tahay mid suurtagelinaysa in la helo iskaashi waara oo waxtar leh oo ka dhaca Geeska Afrika.

Madaxweyne Isaias iyo Madaxweyne Maxamed waxa ay mar labaad ballanqaadeen xoojinta dadaalkooda ku aaddan in la dardargeliyo Heshiiska Saddex-geesoodka ah iyo guud ahaan iskaashiga Gobolka.

Xaaladda Soomaaliya, labada Madaxweyne waxa ay bogaadiyeen horumarka la taaban karo ee la gaaray, iyaga oo isla markaana tilmaamay in dib u dhiska buuxa ee Soomaaliya aan weli la gaarin meeshii laga doonayay.

Tani waxa ay ugu horraynta u baahan tahay yagleelidda hay’ado dowladeed oo xooggan isla markaana wax-ku-ool ah sida hay’addaha difaaca iyo amniga, iyo sidoo kale dib u soo noolaynta dhaqaalaha dalka iyo kaabeyaasha bulsho.
Sidaasi si lamid ah, waxa ay isku afgarteen inay labo-laabaan dadaalka lagu xoojinayo madaxbannaanida, nabadgelyada iyo ammaanka Qaran ee Soomaaliya iyo in sare loo qaado horumarka dhaqan-dhaqaale ee Soomaaliya.

Labada Madaxweyne waxa ay dhammaan saaxiibbada Soomaaliya iyo Gobolka ugu baaqeen in ay taageeraan go’aanka Soomaaliya ee ku saabsan qorsheynta arrimaha hortabinta u leh iyo in ay xoojiso hay’adaheeda qaran iyo awooddeeda.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi waxa uu Madaxweyne Isaias uga mahadceliyay martisoorkiisa iyo garab istaagga joogtada ah ee Ereteriya la garab joogto Soomaaliya.

Waxaa lagu soo saaray Asmara, Ereteriya 11-ka Jannaayo 2020


Madaxyooyadda Soomaaliya

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Calmiskaad ku dilay in ka badan 700 dagaalyahan Ajaanib ah 

Weerarka, oo billowday dabayaaqadii sanadkii hore, ayaa lagu sheegay inuu hoos u dhigay joogitaanka ISIS ee aaggaas ilaa 70%.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 06:50AM

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM