Farmaajo iyo Rooble oo mar kale goradda is-daray

Image
Warbixinada ayaa muujinaya in labada dhinac ay isku qabteen qodob la xiriira doorashadda.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaadey Farmaajo iyo ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Rooble ayaa mar kale gorada is-daray, sida ay sheegayaan warar lagu kalsoonaan karo.

Warbixinada ayaa intaas ku daraya in labada mas'uul ee ugu sareeya dalka ay isku qabteen is-bedelka uu xubno ka tirsan guddiga xalinta khilaafaadka uu ku sameeyay wasiirka koowaad ee xukuumada xilgaarsiinta.

Rooble oo masuul ka ah daadihinta nidaam doorasho kaasoo lagu wadda qanci karo natiijadda kasoo baxda ayaa ceyrinta xubnahaas wuxuu u cuksadey in ay ku milmeen is-qabqabsiga siyaasadda.

Wararka dheeraad ah ee khuseeya qadiyaddan ayaa intaas ku daraya in Madaxtooyadda Soomaaliya oo aad uga carootay talaabadda Rooble ay qaadey talaabooyin ay uga aargudaneyso.

Taliyaha ciidamadda badda, Cabdixamiid Maxamed Dirir, ayaa todobaadkan wuxuu shaaca ka dhigay in Rooble uu ka dambeeyo dhul-boob lagu bilaabay dhisme uu ciidanka badda ku leeyahay magaalada Muqdisho.

Wasiirka gaashaandhiga Xasan Xuseen Xaaji oo war-saxaafadeed soo saarey, ayaa dalbadey in baaritaan madax-banaan lagu sameeyo eedeynta Jeneraal Dirir taasoo xafiiska Rooble uusan wali ka jawaabin.

Taliyaha ciidamadda xoogga dalka, Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage oo war-saxaafadeed soo saarey, ayaa guddi ka kooban afar xubnood u saarey baaritaanka qadiyaddan kana dalbadey jawaab deg-deg ah.

Farmaajo iyo Rooble ayaa horey isugu qabtey qaabka loo maareynayo kiiska Ikraan Tahliil Faarax kaasoo kusoo gabagaboobay heshiis ay gaareen. Is-fahamkas kadib, ra'iisul wasaaruhu wuxuu u socdaalay dalka Qadar.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh Oo Ka Jawaabay xayiraadda Fiisaha : "Yurub Waxay Soo Celinaysaa Dad Aan Soomaali Ahayn"

Madaxweynaha Soomaaliya, ee mudo-xileedkiisa dhamaaday Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa gaashaanka ku dhuftay go'aankaas.

  • Soomaliya

    27-06-2026

  • 12:55PM

Xasan Sheekh Oo Taliye u magacaabey Guuto Cusub oo Ka Sammaayay Boosaaso, Puntland

Tallaabooyinkan ayaa sidoo kale dowladda ka sameysay gobollada Mudug iyo Nugaal, oo ay usoo dirtay siyaasiyiin Muqdisho mudo ku sugnaa.

  • Soomaliya

    27-06-2026

  • 10:56AM