Farmaajo oo amar dul-dhigay Wasaaradaha XF Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweyne Farmaajo ayaa ku amray Wasaaradaha xukuumadda federaalka ah in ay xakameeyaan waxyaabaha dibadda laga soo dhoofiyo ee dalka laga heli karo.

Hadalkan ayaa wuxuu ka sheegay munaasabadda daah-furka Qorshaha 9-aad ee Horumarinta Qaranka oo Isniinta maanta ah lagu qabtay Madaxtooyadda.

Qorshahaan oo ay diyaarisay Wasaaradda Qorsheynta iyo Horumarinta Qaranka ayaa ku saleysan; amniga iyo siyaasadda, kobcinta dhaqaalaha, deegaanka iyo horumarinta bulshada.

Farmaajo ayaa waxyaabaha dalka laga heli karo ee dibadda laga soo dhoofiyo ku tilmaamay "dhibaato jilbaha dhulka u dhigey" dhaqaalaha waddanka.

"Waxaa lagama maarmaan ah in aan u babac-dhigno xal u helista dhibaatooyinka soo noq-noqday ee jilbaha u dhigay dhaqaaleheenna iyo wax-soosaarkeenna," ayuu yiri.

Wuxuu ku daray: "Waxaan farayaa Wasaaradaha gaar ahaan Wasaarada Maaliyadda xakameynta waxyaabaha dibadda nooga yimaada ee dalkeena awooda u leeyahay in uu soo saaro".

Soomaaliya ayaa dhowaan markii ugu horeysay muddo sanado ah kadib waxay dib u bilowday dhoofinta muuska, iyaddoo ay jiraan wax-soo-saar kale oo suuqyadda caalamka loo iib-geeyo.

Qorshaha Horumarinta Qaranka ee Dowladdu ay ku shaqeyn doonto 5-ta sano ee soo socota ayaa la jaan-qaadaya barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya oo heerarkii ugu dambeeyay maraya.

MUUQAALKA FARMAAJO

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wada-hadalladii Xalane oo lagu kala kacay iyo Khilaaf hor leh oo ka dhashay Doorashada

Golaha Mustaqbalka ee mucaaradka ayaa ilaa hadda si cad u diiday soo-jeedinta guddiyada farsamada.

  • Soomaliya

    13-05-2026

  • 12:30PM

Shirka Xalane oo soo dhammaaday iyo Mucaaradka oo isugu tegaya Hotel Airport

Madaxdii mucaaradka ee shirka ku matalaysay dhinaca kale ayaa hadda u soo jiheystay Hotel Airport.

  • Soomaliya

    13-05-2026

  • 11:11AM