Farmaajo oo dalacsiiyey dalacsiiyey saraakiil ciidan

Image
Image
Booliska ayaa lagu sheegaa cududdii ugu horreysay ee dowladnimada Soomaaliyeed.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha waqtigu ka dhamaadey Farmaajo ayaa ka qayb galay Munaasabadda Xuska Sannad Guurada 78-aad ee Aasaaska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Farmaajo ayaa dhiirigeliyey qaar ka mid ah Taliyeyaasha Hoggaannada iyo Qaybaha kala duwan ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee u taagan ilaalinta amniga dalka iyo badqabka nafta iyo maalka shacabka Soomaaliyeed.

Sida ay faafisay Madaxtooyadda Soomaaliya oo war-saxaafadeed ku faafisay ciwaankeeda gaarka ah ee mareegga Facebook-ga ayaa sheegtay in Farmaajo uu dallacsiiyey Saraakiishan:

1. Taliyaha Qaybta Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir, Gaashaanle Sare Farxaan Maxamuud Aadan oo u dallacay Sarreeye Guuto.

2.Taliyaha Hoggaanka Isgaarsiinta, Gaashaale Sare Cabdikariin Xuseen Macallin oo u dallacay Sarreeye Guuto.

3. Taliyaha Akadeemiyada Booliska ee Janaraal Kaahiye, Gaashaanle Sare Muqtaar Gaabow Xasan, oo u dallacay Sarreey Guuto.

Booliska Soomaaliyeed ayaa lagu sheegaa cududdii ugu horreysay ee dowladnimada Soomaaliyeed, waa geedkii ay ka farcameen dhammaan qaybaha Ciidamada Qalabka Sida ee Dalkeenna.

GAROWE ONLINE

Related Articles