Farmaajo oo gaarey magaaladda ay daadadku harqiyeen ee Beledwayne

Image
Image

BELEDWAYNE, Soomaaliya – Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa gaaray Baladweyne, xarunta Gobolka Hiiraan, oo ay har-qiyeen daadad ka dhashay fatahaad uu sameeyay Webiga Shabeelle.

Madaxtooyadda ayaa ujeedka socdaalka Farmaajo ku tilmaamtay "si uu ugu kuur galo xaaladda bini aadamnimo ee ka dhalatay fatahaadda Wabiga Shabeelle iyo howlaha gurmadka ah ee Hay’adaha Dowladdu wadaan".

Mas'uuliyiinta ayaa shaaca ka qaadey in ku dhowaad 60-kun oo ruux ay ku barakaceen daadadka xili ay ku dhinteen tobanaan ay kamid yihiin saraakiil ka tirsan maamulka gobolka iyo kan degmadda.

Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa horey u waydiisatay Beesha Caalamka in ay maalgeliyaan "xalka waara" ee fatahaadyadda kusoo noqnoqday Hiiraan.

Sababta ay Beledwayne ugu soo laab-laabteen fatahaadyadda ayaa sidda ay sheegeen xeel-dheereyaasha, waxaa loo maleynayaa magaaladda oo ka hooseysa Webigga.

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka oo madaxweynaha uga sii horeeyay xarunta gobolka Hiiraan waxay sheegeen in xaaladu tahay mid u baahan in si wadajir ah wax looga qabto.

Cabdullaahi Goodax Barre, wasiirka Waxbarashadda xukuumadda federaalka oo wafdiga kamid ah, ayaa u mahadceliyey cid kasta oo door wanaagsan ka qaadaneysa gargaarka.

Goodax Barre, oo kamida Guddiga Gurmadka Fatahaadaha oo gargaar aan ku fileyn gaarsiiyey Beledwayne, ayaa bulshadda ku booriyey in ay sii wadaan gurmadka.

"Si gaar ah waxaan u mahadcelinayaa doorka ay Puntland ka qaadaneyso iyadda oo adeegsaneysa warbaahinada kala duwan," ayuu ku daray wasiirka.

Xukuumadda Puntland oo ku dhawaaqday in ay kaalin fiican qaadaneyso ayaa dardargelisay in ay bulshadda ku wacyi geliso in ay door cayaaraan.

Magaalooyinka waaweyne ee maamulkan iyo qaar kale oo gobolo kale ah ayaa waxaa ka socda olole is-xilqaan ah oo ay wadaan bulshadda, kaasoo ay lacago ugu uruurinayaa dhibaneyaasha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Axmed Madoobe oo Nairobi kula kulmaya Saraakiil ka socota Itoobiya iyo Kenya

Madaxweynaha Jubbaland ayaa booqashadiisa sidoo kale ku saabsan sidii uu ugu raadin lahaa taageero dheeraad ah oo caalami ah.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 12:27PM

Fahfaahin: Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho

Illaa hadda ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarka saakay ka dhacay Damaanyo, oo ah meel muhiim ah oo AS bartilmaameed u ahayd.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 08:31AM