Farmaajo oo hal digreeto ku dalacsiiyey boqolaal saraakiil

Image
Warqadda dalacsiinta oo soo baxdey horaantii bishan sii dhamaaneysa ayaa lasoo dusiyey. [Photo: Villa Somalia]

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha muddo xileedkiisa dastuuriga ah uu dhamaadey Farmaajo ayaa dalacsiiyey ku dhowaad 200 sarkaal, sida ku xusan qoraal uu taliska milatariga 5-tii bishan balse hadda soo baxdey.

Saraakiishan oo kalkii hore isugu jiray Alifle, Xidigle, Laba Xidigle, Dhame iyo Gaashaanle ayaa waxaa loo kala dalacsiiyey darajooyinka kala ah; Gaashaanle Dhexe, Gaashaanle, Dhamme, Laba Xidigle iyo Xidigle.

Warqadda oo tirada rasmiga ah ee saraakiisha ku qoran ay tahay 174-sarkaal ayaanan lagu caddeyn sababta ay ku muteysteen dalacsiinta. Hase ahaatee, ujeedada ka dambeysay waxaa kasoo baxaya warar is-khilaafsan.

Balse, sababta ugu weyn ee ay isku raacaan saddex illo wareedyo kala duwn oo warsidaha Garowe Online la hadlay waxay ku sheegeen in saraakiishan ay daacad u ahaa maamulka Farmaajo 4-tii sano ee u dambeysay.

Warar aan wali si rasmi ah loo xaqiijin ayaa tibaaxaya in saraakiisha la dalacsiiyey ay u badan yihiin cutubyadda Turkiga tababaray ee Booliska gaarka ah ee Haramcad iyo kumaandooska Gorgor.

Haramcad iyo Gorgor ayaa si weyn ugu lug-lahaa weeraro lagu qaadey mucaaradka iyo xarrumo warbaahineed. Gobolka Gedo waa halka ay ka sameeyeen howlgalka ugu badan ayaga oo fulinaya riyada Farmaajo.

Talaabadan ayaa kusoo aadeysa xilli dalka uu si rasmi ah u galay jawi doorasho. Soomaaliya waxaa caado ah xilliyadda kala guurka hay'addaha federaalka in madaxda xukunka ku fadhisa sameeyaan ku tagrifal awoodeed.

HOOS KA AKHRISO WARQADDA

GAROWE ONLINE

Related Articles

DF Soomaaliya oo isu diyaarineysa weerar ka dhan ah Koonfur Galbeed, doorka Itoobiya maxuu noqon doonaa?

Khilaafka oo markii hore ahaa mid siyaasadeed ayaa si degdeg ah isu beddelay dhaqdhaqaaqyo..

  • Soomaliya

    27-03-2026

  • 09:38PM

Lafta-Gareen: Tallaabooyinka dowladda qaadey waa dagaal Toos ah oo KG lagu soo qaadey

Shacabka Koonfur Galbeed waxay u arkaan tallaabada dowladda Soomaaliya weerar qabiil, oo lagu soo qaadey Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    26-03-2026

  • 08:21AM