​Farmaajo oo hambalyo u diray Dhaxal sugaha Sucuudiga

Image

MUQDISHU, Somalia- Madaxweynaha dowladda Federaalka Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray wiilka uu dhalay Boqor Salmaanka Sucuudiga oo maanta loo magacaabay dhaxal sugaha boqortooyada waddankaas kadib markii laga qaaday ninka ay ilmo adeerka yihiin ee Mohamed bin Nayef.

Qoraal kooban oo la soo dhigay Barta Twitter-ka ku leedahay Villa Somalia, ayaa lagu yir in Madaxweyne Farmaajo uu tahniyad hawada u marinayo Mohamed bin Salmaan oo sidoo kale ah adeegaha labada Xaram.

“Waxaan u hambalyeynayaa walaalkey Amiir Mohamed  bin Salmaan oo u adeegaha labada Xaram u magaacay Dhaxal sugaha cusub ee Boqortooyada Sacuudiga Carabiya, waxaan u rajeynayaa Guul iyo Horumar,”Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Majirto faah faahin intaas ka baxsan oo dowladda Somalia ka tiri magacaabista amiirka Cusub oo sidoo kale horay u ah Wasiirka Gaashaandhiga, halka maanta loo magacaabay Ra’isal wasaare ku xigeenka dalkaas.

Farmaajo iyo Mohamed ayaa ku kulmay Sacuudiga booqashadii ugu horaysay ee ku tagay markii loo doortay Villa Somalia isagoo markaan uu ahaa wasiirka Gaashaandhiga iyo Dhaxal sugaha labaada, waxayna kawada hadleen arrimo kala duwaan oo ku aadan xiriirka labada dal iyo dib u dhiska ciidamada.

Hambalyadan ayaa kusoo beegantahay xilli ay jirto xiisad ka dhex taagan waddamada Khaliijka oo dowladda Somalia dhex-dhexaad ka noqotay khilaafkaas abuurmay markii xiriirka loo jaray Qadar oo lagu eedeeyay inay maalgaliso Argagixisada.

Somalia iyo Sucuudiga ayaa leh xiriir muddo dheer soo jiray, waxayna dhawaan u ballanqaaday dalka inay ka taageeri doonto arrimaha kaabayaasha dhaqaalaha iyo dib dhiska dalka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM

Xamza: Dowladda Federaalka ma joojin doonto ciidamada ay qoranayso Puntland

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 12:13PM