​Farmaajo oo hambalyo u diray Dhaxal sugaha Sucuudiga

Image

MUQDISHU, Somalia- Madaxweynaha dowladda Federaalka Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray wiilka uu dhalay Boqor Salmaanka Sucuudiga oo maanta loo magacaabay dhaxal sugaha boqortooyada waddankaas kadib markii laga qaaday ninka ay ilmo adeerka yihiin ee Mohamed bin Nayef.

Qoraal kooban oo la soo dhigay Barta Twitter-ka ku leedahay Villa Somalia, ayaa lagu yir in Madaxweyne Farmaajo uu tahniyad hawada u marinayo Mohamed bin Salmaan oo sidoo kale ah adeegaha labada Xaram.

“Waxaan u hambalyeynayaa walaalkey Amiir Mohamed  bin Salmaan oo u adeegaha labada Xaram u magaacay Dhaxal sugaha cusub ee Boqortooyada Sacuudiga Carabiya, waxaan u rajeynayaa Guul iyo Horumar,”Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Majirto faah faahin intaas ka baxsan oo dowladda Somalia ka tiri magacaabista amiirka Cusub oo sidoo kale horay u ah Wasiirka Gaashaandhiga, halka maanta loo magacaabay Ra’isal wasaare ku xigeenka dalkaas.

Farmaajo iyo Mohamed ayaa ku kulmay Sacuudiga booqashadii ugu horaysay ee ku tagay markii loo doortay Villa Somalia isagoo markaan uu ahaa wasiirka Gaashaandhiga iyo Dhaxal sugaha labaada, waxayna kawada hadleen arrimo kala duwaan oo ku aadan xiriirka labada dal iyo dib u dhiska ciidamada.

Hambalyadan ayaa kusoo beegantahay xilli ay jirto xiisad ka dhex taagan waddamada Khaliijka oo dowladda Somalia dhex-dhexaad ka noqotay khilaafkaas abuurmay markii xiriirka loo jaray Qadar oo lagu eedeeyay inay maalgaliso Argagixisada.

Somalia iyo Sucuudiga ayaa leh xiriir muddo dheer soo jiray, waxayna dhawaan u ballanqaaday dalka inay ka taageeri doonto arrimaha kaabayaasha dhaqaalaha iyo dib dhiska dalka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Cali Balcad: Madaxweynaha wuxuu shir la yeelan doonaa madaxdii hore ee dalka

Shirkan ayaa loo arkaa mid fure u noqon kara yareynta kala fogaanshaha siyaasadeed iyo dhisidda hannaan loo dhan yahay oo lagu wajahayo marxaladda kala guurka ah.

  • Soomaliya

    25-05-2025

  • 11:19AM

Sheekh Shariif oo Dowladda ku Eedeeyay Caburinta Saxaafadda

Xorriyadda hadalka iyo madaxbannaanida warbaahinta waa tiirar muhiim u ah dowlad kasta oo sharciyad leh.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 03:01PM