​Farmaajo oo kulan deg deg ah isugu yeeray Hay'adaha Garsoorka iyo Maaliyadda

Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa kulamo la qaatay Wasaaradaha Caddaaladda iyo Maaliyadda, waxa uuna kala hadlay hufnaanta nidaamka Maaliyadda, la dagaallanka musuqmaasuqa iyo sharreynta sharciga dalka.

Kulanka Maaliyadda waxaa guddoominayey Madaxweynaha, waxaana fadhiyay Wasiirka Maaliyadda, Wasiiru Dowlaha, Wasiir Ku Xigeenka, Agaasimaha Guud ee Wasaraadda, Guddoomiyaha Bankiga Dhexe iyo Xisaabiyaha Guud, waxaana warbixin looga dhageystay Wasiirka Wasaaradda Mudane Maxamed Aadan Ibraahim Farkeeti.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in daah-furnaanta Maaliyadda iyo la dagaallanka musuqmaasuqa ay yihiin waxyaabaha ugu horreeya ee uu mudnaanta siinayo si shacabka Soomaaliyeed ay ugu kalsoonaadaan dowladda. 

Waxa uu faray hay’adaha maaliyadda in laga digtoonaado wax walba oo keeni kara in lagu kaco lunsiga hantida dadweynaha.

Madaxweynaha waxaa uu yiri “musuqmaasuqa ma aha oo kaliya in shaqalaha hoose lagala dagaallamo. Waa in xafiisyada dalka ugu sarreeya ay noqdan kuwa ka caafimad qaba musuqmasuqa. Waxaan farayaa hay’adaha maaliyadda in ay kasbadaan kalsoonida canshuur bixiyeyaasha. Shaqada ugu horreyso ee aan ka dooneyno hay’adahan waa in shaqaalaha ka hawl gala xafiisyadaas in ay helaan mushaar joogta oo ay uga fogaan karaan in ay ku takri falaan amaanada loo dhibay.”

Dhinaca kale Madaxweyne Farmaajo ayaa la kulmay Wasiirka Cadaaladda, Wasiiru Dowlaha, Wasiir ku Xigeenka Xeerl Ilaaliyaha Guud, Taliyaha Asluubta iyo saraakiisha Wasaaraddaasi, waxaana kulankaasi looga hadlay dib u habeynta laamaha garsoorka dalka.

“Waxyaabaha dadka Soomaaliyeed ay baahida weyn u qabaan waxaa kamid ah in sharciga loo sinnaado oo qofkii dambi lagu helo lagu ciqaabo. Waxaan rajeynayaa in hay’adaha Garsoorka, Maxakmadaha, Booliiska, dambi baarista iyo asluubta in ay wada shaqeeyaan oo qolo walba ay kaalinteeda si hufan u hawlgaliso. Waxaa kale oo muhiim ah in la kobciyo aqoonta garsoorayaasha si aysan u qaadan xukunno khaldan oo ku xadgubayo qof aan waxba galabsan.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in la dardargelin doono magacaabista Golaha Adeegga Garsoorka oo ay xukuumaddii hore bilowday balse wali aan la dhameystirin. 

Golaha Adeegga Garsoorka ayaa ah hay’addii anshax marin lahayd Garsoorayaasha, sidaas darteedna loo baahanyahay in si degdeg ah hawshaasi loo fuliyo.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Jamahuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa sheegay in musuq maasuqa iyo caddaalad darrada meel looga soo wada jeesto maadaama ay saldhig u yihiin dowlad xumada iyo amni darrada dalka ka jirta.

Kulankan ayaa kuso beegmay xilli Madaxweynaha cusub ballan-qaaday inuu wax ka qaban doono musuqa baahsan ee ka jira dalka Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM