Farmaajo oo loogu baaqey inuu ka baxo Villa Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha mudo-xileedkiisu dhamaadey ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa loogu baaqey inuu si deg deg ah uga guuro xarunta Madaxtooyadda dalka, kadib markii sida ay sheegeen uu sameeyay isku-day afgembi.

Qoraal kasoo baxay Midowga Musharrixiinta ayaa lagu eedeeyay Farmaajo uu isku deyey in uu ciidan ku qabsado hay’ado dastuuri ah, iyaga oo dalbaday in baaritaan lagu sameeyo, dacwadna lagu soo oogo isaga iyo intii kale ee ku gacansiisay "afganbiga".

Rooble ayay uga mahadceliyeen sida geesinimada leh ee uga horyimid afgembiga, una muujiyay shacabka Soomaaliyeed in dalku doorasho aado, Farmaajana dibadda ka istaago hawlahaas, sida lagu sheegay qoraalka Musharixiinta.

Musharixiinta mucaaradka ayaa taageero u muujiyay Rooble, waxayna sheegeen inaysan u dulqaadan doonin in Farmaajo uu talada dalka sii haysto, oo faragelin ku sameeyo hanaanka doorashooyinka dalka, oo uu mas'uuliyadeeda bishii May ku wareejiyay Ra'iisul wasaaraha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh Oo Ka Jawaabay xayiraadda Fiisaha : "Yurub Waxay Soo Celinaysaa Dad Aan Soomaali Ahayn"

Madaxweynaha Soomaaliya, ee mudo-xileedkiisa dhamaaday Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa gaashaanka ku dhuftay go'aankaas.

  • Soomaliya

    27-06-2026

  • 12:55PM

Xasan Sheekh Oo Taliye u magacaabey Guuto Cusub oo Ka Sammaayay Boosaaso, Puntland

Tallaabooyinkan ayaa sidoo kale dowladda ka sameysay gobollada Mudug iyo Nugaal, oo ay usoo dirtay siyaasiyiin Muqdisho mudo ku sugnaa.

  • Soomaliya

    27-06-2026

  • 10:56AM