​Farmaajo oo QM kala hadlay gurmadka abaaraha

Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa qaabilay wufuud ka socotay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya si ay uga wada hadlaan qaabka beesha caalamka uga qeyb qaadan karto gurmadka abaaraha.

Wafdigan oo uu hoggaaminayay Ku-Xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobay, ahna Isu duwaha arrimaha gargaarka ee Soomaaliya Mudane Peter de Clerq ayaa isku afgartay in si degdeg ah loo qabto kulan ay goobjoog ka yihiin dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, hay’adaha gargaarka iyo guddiga gurmadka abaaraha kaas oo lagu lafa gurayo sidii kaalmo degdeg ah loo gaarsiin lahaa meelaha ay abaaruhu ku dhufteen.

Dhanka kale, Madaxweynaha ayaa kulan la qaatay Mudane Alexander Rondos iyo Danjire Veronique Lorenzo oo hormuud u ahaa wafdi ka socday Midowga Yurub, waxayna ka wada hadleen sidii Midowga Yurub uu u xoojin lahaa taageerada dhaqaale ee ay ku bixiyaan dhismaha hay’adaha amniga Soomaaliya.

Ugu dambeyntii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo ka guddoomay Mudane Xasan Bin Xamza oo madax ka ah safaaradda Qadar ee Soomaaliya, hambalyadaas oo ay soo direen Amiirka Qadar Mudane Tamim Bin Hamad Al Thani, Ku Xigeenkiisa iyo Ra’iisul Wasaaraha dalkaas, waxayna u rajeeyeen madaxweynaha cusub ee la doortay inuu Alle u fududeeyo hawlaha culus ee horyaalla.

GAROWEONLINE

Related Articles

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM