Farmaajo oo Safiiro cusub u magacaabay UK iyo Turkey

Image

LONDON, UK - Madaxweynaha dowladda Federaalka Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa labo safiiro oo cusub usoo magacaabay dalalka Ingiriiska iyo Turkiga.

Cabdiraxmaan Ceynta, Wasiirkii hore ee Qorsheynta dowladdii Xasan Sheekh ayaa  loo magacaabay Safiirka Somalia ee London, halka Jaamac Ceydiid laga dhigay  Safiirka Somalia u fadhin doono Turkey.

Jaamac Ceydiid, oo ah nin ku cusub Siyaasadda, kana kamid ahaa Ganacsatada magaalada Bosaso, ayaa waxa uu bedeli doonaan Cabdullahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, oo hadda noqday Taliyaha NISA.

Cabdiraxmaan Ceynta, waa qaban-qaabiyaha Shirka London ee Somalia looga hadlayo isagoo sidoo kale aad uga dhex muuqday xukuumaddii hore ee Xasan Sheekh.

Magacaabistan ayaa timid xilli maanta magaalada London uu ka furmay shir looga hadlayo arrimaha Somalia.

Lama oga waxa magacaabistan kusoo beegay waqtigan, balse madaxweyne Farmaajo ayaa muddooyinkii dambe waday isku shandhayn iyo magacaabista mas’uuliyiin cusub.

GAROWEONLINE

Related Articles

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM

Carruurta Soomaaliya oo halis wajahaya sababo la xiriira dagaalka Iran iyo Mareykanka

Hay’adda International Rescue Committee (IRC) ayaa sheegtay in 225 kartoon oo cunto laws ah oo haray xarun ay taageerto.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 12:06PM