Farmaajo oo shir guddoominaya kulan ka socda Xalane

Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia - Shir heer caalami ah, oo looga hadlayo abaaraha ka jira Somalia, ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdishu, kaasi oo uu shir-gudoominayo Madaxweyne Farmaajo. 

Kulankan oo ka socda xarunta AMISOM ee Xalane, ayaa waxaa ka qeybgalay, Guddiyada abaaraha Qaranka, Madaxda maamullada, xubno ka socda Hay'adaha gargaarka QM, Deeq-biyaal, NGO-yo, Ganacsato, Qurbooj Soomalaiyeed iyo Culumada.

"Ma jirto maanta khatar uga weyn Soomaaliya Abaarta jirto, ee galaafanayso nolosha dadka iyo duunyada, waana inaan si wadajir ah uga hortagnaa inay dalka ka dilaafco Macluul," ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Ku xigeenka Madaxa UN-ka ee Somalia iyo Isku-dubaha Arrimaha Gargaarka bini'aadanimo Peter de Clercq oo ka qeybgalyo Shirka, ayaa sheegay in loo baahan yahay ficil dhab ah oo wax loogu qabanayo Abaarta.

Peter de Clercq wuxuu sheegay in 6.2 Million (Lix Milyan iyo Labo boqol oo kun) oo ka dhigan 50% guu ahaan shacabka Soomaaliyeed ay hadda u baahan yihiin gargaar bini'aadanimo oo deg deg ah.

In ka badan 363, 000 00 caruur ay ahaa la ildaran Nafaqo-darro, sid ay sheegtay UNICEF. 

Lama oga inta uu socon doono, balse wuxuu kusoo aadayaa xilli muddooyinkii dambe dhacayeen shirar abaaraha looga hadlayo.

Qayla dhaanta ka socota Somalia ma jirto ilaa hadda cid kasoo jawaabtay.

Waxyaabaha kala ee shirka diiradda lagu saarayo ayaa waxaa kamid ah sidii gargaar loo gaarsiin lahaa dadka ku dhibaataysan deegaanada ay maamusho Kooxda Al shabaab, ee koonfurta dalka Soomaaliya.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo la kulmay Abiy Ahmed kahor Shirka Addis Ababa

Shirka waxay dalalka kale usoo direen wafuud aan Madaxweyne ku jirin, oo heerkooda hooseeyo.

  • Soomaliya

    27-07-2025

  • 01:21PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Gaaray Addis Ababa xili Al-Shabaab oo Qabsatay Maxaas

Macwiisleyda ayaa ka filayay Al-Shabaab dhanka waqooyi inay uga imaanayso, balse Koonfurta ayaa looga yimid.

  • Soomaliya

    27-07-2025

  • 12:41PM