Farmaajo oo soo dhaweyn sare loogu sameeyay Riyaad

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

Madaxwaynaya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo oo maanta gaaray magaalada Riyaad ee boqortooyada Sacuudiga ayaa kulamo kala duwan la qaatay madaxda waddankaas.

Farmaajo ayaa Riyaad ku tagay caasumaad rasmi ah ka helay Boqorka Sucuudiga Boqor Salmaan Binu Cabdicasiis Aala Sucuud.

Madaxwaynaha iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha Riyaad kusoo dhaweeyay Amiirka Riyaad, Amiir Faysal Bin Bandar Ibnu Cabdicasiis,Safiirka Soomaaliya ee Sucuudiga Daahir Maxamuud Geelle,wasiirka arrimaha dibadda DFS mudane Cabdisalaan Hadliye iyo diplomaasiyiin safaarada ka tirsan.

Madaxwayne Farmaajo iyo Boqorka Sucuudiga Salmaan waxay cutubyo ciidanka qaranka Sucuudiga ka tirsan salaan sharaf uga qaateen madaxtooyadda.

Ka hor inta uusan madaxwaynaha kullan gaar ah la qaadan Boqorka Sucuudiga wuxuu la kulmay dhaxal sugaha koowaad ee Boqortooyadda Amiir Maxamed Binu Naa'if,intaa kaddibna waxaa loo sameeyay wafdiga madaxwaynaha qado rasmi ah oo ay kasoo qayb galeen Gollayaasha wasiiradda iyo Baarlamaanka Sucuudiga.

Madaxwayne Maxamed Cabdilaahi wuxuu kaddib kullan gaar ah la qaatay Boqorka Sucuudiga, waxayna ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal,dhaqaalaha,amniga iyo arrimaha siyaasadda.

Caasumaddan waxay ka dhacdey Qasriga la dhaho Al-Yamaama, waxaa kaloo xusid muddan in magalada la suray calanka Soomaaliya kaasoo uu agtiisa ka ba'banayo kan Sucuudiga.

Weli waxaa socda kulamada uu madaxwaynaha la lee yahay madaxda ugu saraysa Boqortooyada, waa safarkiisii koowaad inta uu madaxwaynaha noqday. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo soo afjartay howlgalkeedii siyaasadeed ee Soomaaliya

Zenenga ayaa xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dhismaha hay’adaha dowladda, nidaamka federaalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 12:13PM

Aadan Madoobe oo Itoobiya kala hadlay amniga Baydhabo iyo ka hortagga weerarrada Lafta-gareen

Itoobiya ayaa ciidamo ku leh Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo qayb ka ah dadaallada amniga ee dalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 05:27AM