Farmaajo oo u ambabaxay Qatar xili doorashadda soo dhawdahay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya -  Madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaadey Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay weheliso Marwadiisa Marwo Saynab Cabdi Macallin iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay dalka Qatar Maanta oo Isniin ah.

Farmaajo ayaa uga bilaabanaysa Doha booqasho shaqo oo labo maalmood ah, sida lagu shaaciyay qoraal kasoo baxay xafiiskiisa.

Madaxweynaha waqtigiisu dhamaadey Feb 8, 2021, oo martiqaad ka helay Amiirka Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al Thaani ayaa kala hadli doona xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii isaga kaashan lahaayeen dhinacyada dhaqaalaha, horumarinta ciyaaraha iyo iskaashiga maalgashiga.

“Booqashada Madaxweynaha waxaa qeyb ka ah furitaanka Koobka Kubadda Cagta ee Carabta oo lagu marti qaaday Madaxda dalalka Carabta, si loo xoojiyo iskaashiga dhanka horumarinta ciyaaraha iyo is-dhexgalka dhallinyarada Shucuubta Dalalka Carabta, iyadoo Madaxweynuhu uu kulan-doceedyo la qaadan doono hoggaamiyeyaasha ka soo qeyb-galaya Munaasabadda.” Ayuu yiri Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada oo ka war-bixiyay safarka Madaxweynaha.

Booqashadan waxaa Farmaajo ku wehelinaya Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ay kamid yihiin Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Cabdisaciid Muuse Cali, Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xamsa Siciid Xamsa iyo Guddoonka Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed Cabdiqani Saciid Carab.

Qatar ayaa afartii sano ee Farmaajo ku lahayd dalka saameyn siyaasadeed, waxaana Mucaaradka ku eedeeyeen faragelin inay ku haysay arrimaha gudaha, islamarkaana ay dhaqaalo badan ku bixisay doorashooyinkii 2012 iyo 2017, oo natiijadeeda go'aamisay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen: Tallaabooyinka dowladda qaadey waa dagaal Toos ah oo KG lagu soo qaadey

Shacabka Koonfur Galbeed waxay u arkaan tallaabada dowladda Soomaaliya weerar qabiil, oo lagu soo qaadey Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    26-03-2026

  • 08:21AM

Khilaaf xooggan oo ka dhex qarxay Xisbiga Xasan Sheekh

Dhaawaca ugu weyn ee soo gaaray xisbiga ayaa loo arkaa go’aanka uu qaatay xoghayihii xisbiga, Cabdiraaxmaan Odowaa.

  • Soomaliya

    23-03-2026

  • 09:27AM