Farmaajo oo u tacsiyeeyay Qoyskii Marxuum Axmed-Kayse Xaaji Ducaale

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khadka taleefanka kula hadlay Marwo Qamar Cabdulqaadir Faarax oo ah xaaskii Alle ha u naxariistee Axmed-Kayse Xaaji Ducaale ayaa uga tacsiyeeyay geerida ku timid marxuumka.

Madaxweynaha oo sidoo kale tacsidan khadka taleefanka kula wadaagay Wasiirkii hore ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Khadra Axmed Xaaji Ducaale ayaa dhammaan xubnaha qoyska Eebbe uga baryey inuu samir iyo iimaan ka siiyo geerida naxdinta leh ee marxuumka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa halgamaa Axmed-Kayse Eebbe uga baryey inuu ku abaalmariyo Jannatul Firdawsa isaga oo xusay doorkii weynaa ee uu ka soo qaatay xornimada Gobollada Waqooyiga iyo sidii uu waqtigiisa ugu huray midnimada dalkiisa iyo shacabkiisa Soomaaliyeed.

Alle ha u naxariistee halgamaa Axmed-Kayse waxa uu kamid ahaa xubnihii saxiixay xornimadii Gobollada Waqooyiga sannadkii 1960-kii isaga oo sidoo kalena xubin ka noqday Barlamaankii ugu horreeyay ee maxmiyaddii Ingiriiska ee Waqooyiga.

Marxuumku waxa uu midowgii labada gobol kaddib kamid noqday Golihii Wasiirrada ugu horreeyay ee Jamhuuriyadda Soomaaliyeed, waxaana lagu xasuustaa halgankii dheeraa ee uu u galay xornimada ummadda Soomaaliyeed iyo ka qaybqaadashada dowlad-dhiska Soomaaliya.

Madaxtooyadda Soomaaliya

Related Articles

Ismari-waaga Siyaasadeed oo Halis Geliyay Rajadii Dowladda ee Taageerada Caalamiga ah iyo Ajandaha Amniga

Midda koowaad ayaa ahayd inay sare u qaaddo kalsoonida deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah, gaar ahaan Bangiga Adduunka.

  • Soomaliya

    27-07-2026

  • 07:50PM

Soomaaliya oo u yeertay Safiirka Kenya kadib markii Wasiir loo diiday gelitaanka Kenya

Dhacdadan ayaa timid wax ka yar bil kaddib markii sidoo kale la sheegay in Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    27-07-2026

  • 01:22PM