​Farmaajo oo waraaqaha Aqoonsiga ka guddoomay safiirka Cusub ee Britain

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Madaxweynaha cusub dowladda Federaalka Somalia ayaa waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka Britain usoo magacowday dalka, kadib kulan ka dhacay xarunta Madaxtooyada.

England ayaa safiirkeeda Somalia ka dhigtay ninka lagu magacaabo Danjire David William Concar, kaasoo waraaqaha aqoonsiga ku wareejiyay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Kulan ay joogeen mas'uuliyiin kala duwan ayaa Madaxweynaha iyo Safiirku ku yeesheen Villa Somalia iyagoo uga hadlay arrimo kala duwan iyo sidii kor loogu qaadi lahaa taageerada Boqortooyada Ingiriisku siiso Somalia.

Waxay si gooni ah uga wada hadleen arrimaha; amniga, ciidanka, dhaqaalaha iyo siyaasadda.

Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibedda Somalia, Axmed Cali Kadiye, ayaa kulankaas kadib warbaahinta u sheegay in labada dhinac isku afgarteen sidii ay usii xoojin lahaayeen ka shaqaynta hormarka islamarkaana xiriirka mudada dheer soo jiray laga dhigo mid ku salaysan diblomaasiyad iyo wada-shaqayn.

David William Concar Safiirka xukuumadda London u fadhiyi doonta Somalia, ayaa sheegay in kulanka isaga iyo madaxweynaha ay isku soo qaadeen in si dhab ah loo xoojiyo taageerada joogtada ah ee ay siyaan Soomaaliya, dhowaanna la qaban doono shir looga hadlayo siyaasadda dalka.

“Maanta, waxaa la iga guddoomay anigoo ah safiirka Uk ee Soomaaliya warqadaha, taasna waxa ay daliil u tahay taageerada ballaaran ee aan Soomaaliya u heynno, madaxweynaha waxaan ka wada hadalnay  amniga iyo sida ay muhiim u tahay in laga wada shaqeeyo, waxaa xusid mudan in aan si qiiro leh uga hadalnay madaxwyenaha abaaraha ka jira Soomaaliya oo u baahan in si deg deg ah wax looga qabto, taasna waan ka wada shaqeyn doonnaa, waxaa jira shir weyn oo siyaasadda Soomaaliya looga hadlayo oo ka dhici doona bisha May magaalada London, wax badan ayuu tari doona shirkaas, Soomaaliya waxaa ka muuqda horumar weyn oo aan ku wada faraxsanahay,” Ayuu yiri Ambasador David.

Waa safiirkii ugu horeeyay mudane Farmaajo waraaqaha Aqoonsiga ka guddoomo tan iyo markii uu xafiiska la wareegay 16 bishan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM