Farmaajo oo warqadaha ka guddoomay danjireyaal cusub

Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu ka dhamaadey Farmaajo ayaa maanta munaasabad ku qabsoontay Madaxtooyada Qaranka waxa uu kaga guddoomay Waraaqaha Aqoonsiga danjirenimo safiirrada dalalka, Tansaaniya Dr. John S. Simbachawene iyo Angoola, Sianga Kivuila Samuel Abilio.

Simbachawene ayaa "madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday Madaxweynaha dalkiisa Samia Hassan, taas oo ku aaddan xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya Labada Dal".

Farmaajo ayaa "u rajeeyey Danjire John S. Simbachawene in uu ku guulaysto gudashada waajibaadka loo igmaday iyo doorka uu ka qaadan karo xoojinta xiriirka walaaltinnimo ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Tansaaniya".

Dhankiisa, Abilio ayaa soo bandhigay sida ay uga go’an tahay adkaynta xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Dalkiisa, gaar ahaan dhinacyada iskaashiga dhaqaalaha, maalgashiga, diblomaasiyadda iyo isu-socodka "isaga oo uga mahadceliyey shacabka iyo dowladda Soomaaliya soo dhoweynta diirran".

"Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la wadaagay Danjiraha cusub ee dalka Angoola sida ay uga go’an tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya xoojinta xiriirka ku saleysan iskaashiga, dan-wadaagga iyo saaxiibtinnimada ee ay la leedahay dalalka kale ee Qaaradda," ayay tiri Villa Soomaaliya.

Farmaajo oo muddo xileedkiisa dastuuriga ah dhamaadey 8-dii Febraayo, 2021 ayaa wali xafiiska jooga isaga oo maamulkiisa uu ku guuldareystay in uu waddanka qabto doorashooyin loo-dhan-yahay.

Mucaaradka ayaa ku dhaleeceeyay Farmaajo uu wali sii wado shaqooyinka dastuurka aanu u ogolaaneyn, waxaana talaabadaas ay ku qeexeen "sharci darro iyo xadgudub ka dhan ah Axdiga waddanka" ayaga oo cod dheer ugu baaqay in uu ka waantoobo talaabooyinkaas ay kamid tahay qabashada warqadaha safiirada cusub.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Balcad oo loo magacaabayo Wasiiru dowlaha Madaxtooyadda - XOG

Cali Balcad wuxuu ahaa wakiilka gaarka Madaxweyne Xasan Sheekh arrimaha wadahadalka Itoobiya iyo hirgelinta heshiiskii Ankara.

  • Soomaliya

    28-04-2025

  • 08:37AM

Aadan Madoobe oo Cabsi in xilka laga qaado u furi la'yahay Gollaha Shacabka

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Madoobe, ayaa ilaa hadda ka jawaabi waayay eedeymaha soo baxay.

  • Soomaliya

    28-04-2025

  • 08:09AM