Farmaajo oo xil u dhiibay xubin ka tirsanaa kooxdiisa ololaha doorashada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweyne Farmaajo ayaa Balaal Maxamed Cusmaan wuxuu u magacaabay ergaygiisa gaarka ah ee Arrimaha Geeska qaaradda Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadan.

Wareegto ku taariikheysan 11 November, Farmaajo ayaa jagaddan u abuuray markii ay kordheen ahmiyadda istaraatiijiyadeed ee Badda Cas iyo Gacanka Cadan kadib soo celinta xiriirka Soomaaliya iyo Eritrea.

Kahor inta aan loo dhiibin xilkaan, Cusmaan ayaa wuxuu Farmaajo u ahaa lataliye sarre oo dhanka Siyaasadda Arrimaha Dibadda ah.

Cusmaan, sidda uu fahansan yahay mareega Garowe Online, ayaa sidoo kale wuxuu ka tirsanaa kooxdii ololaha ee madaxweyne Farmaajo doorashadii qabsootay Febraayo 2017.

Urur goboleedka IGAD ayaa bishii April sameeyay ciidamo gaar ah oo ka howlgalaya Badda Cas iyo Gacanka Caddan. Askarta ayaa ka kala imaanaya saddex dal oo kamid ah wadamada xubinta ka ah ururka.

Bishii September kadib kulan ay yeesheen, hogaanka ciidamadda ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in sarre loo qaado wada shaqeynta si looga baaqsado caqabadaha jira.

Xubnaha ayaa isla qaatay in la sameeyo qorshe fulineed oodhidhibadda loogu taagayo wada shaqeynta ku aadan horumarinta danaha gobolka ee ku aadan dhismaha ciidamo badeed oo wadajir ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM

Go’aanka Mareykanka oo saameyn ku yeeshay howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya

Howlgalka ayaa si weyn ugu tiirsan taageerada UN-ka si loo bixiyo adeegyada saadka, caafimaadka iyo gaadiidka ciidamada.

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 01:51PM