Fartaag oo difaacdey kursigiisa Aqalka Sare ee Jubaland

Image

KISMAAYO, Jubaland - Musharrax Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa lagu dhawaaqay in uu cod gacan taag ah ku noqday Sanatarka labaad ee kasoo baxay dowlad goboleedka Jubbaland.

Sidda uu shaaca ka dhigay guddiga doorashadda, 71 Xildhibaan ayaa u codeeyey, diideen 2 xuldhibaan ayaa diiday in ay u codeeyaan mana jiro xildhibaan ka aamusay codaynta kursigan.

Kahor coddeynta gacan-qaadka, Axmed Maxamed Jaamac oo ah musharrixii la tartamay Senetar Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa shaaca ka dhigay inuu ka tanasulay tartanka.

Doorashadan ayaa kamid ah coddeynta afar kursi oo kamid ah sideeda xubin ee Jubaland ku leedahay Senate-ka Soomaaliya taasoo maanta ay martigelineyso caasimada KMG ah ee Kismaayo.

Ilyaas Badal Gaboose ayaa noqdey Senatorkii ugu horeeyay baarlamaanka 11aad ee Soomaaliya kadib markii uu helay 55 cod doorashaddii ka dhacdey xarunta KMG Jubaland ee Kismaayo, isaga oo ka adkaadey Maxamed Axmed Maxamuud Sayid oo helay 17 cod.

Fartaag oo afartii sano ee lasoo dhaafay Jubaland ku metelay Aqalka Sare ayaa hadaljeedintiisa wuxuu ku sheegay in uu diiradda saari doono siyaasad gaashaan u noqoneysa dowlad goboleedkan.

"Meeshii lala dagaalamayey afartii sano ee lasoo dhaafay [Jubaland] in ay maanta noqoto [goobtii] ugu horeysay ee doorashadda Soomaaliya ay ka bilaabatay intaas ayaaba taariikh noo ah," ayuu yiri.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DF Soomaaliya oo isu diyaarineysa weerar ka dhan ah Koonfur Galbeed, doorka Itoobiya maxuu noqon doonaa?

Khilaafka oo markii hore ahaa mid siyaasadeed ayaa si degdeg ah isu beddelay dhaqdhaqaaqyo..

  • Soomaliya

    27-03-2026

  • 09:38PM

Lafta-Gareen: Tallaabooyinka dowladda qaadey waa dagaal Toos ah oo KG lagu soo qaadey

Shacabka Koonfur Galbeed waxay u arkaan tallaabada dowladda Soomaaliya weerar qabiil, oo lagu soo qaadey Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    26-03-2026

  • 08:21AM