​Fartaag oo is-casilay xilli lagu eedeeyay inuu taageeray murashax

Image

MUQDISHU, Somalia- Xildhibaan Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa iska casilay xilka Guddoomiye ku xigeenka Guddiga doorashada Madaxweynaha, xilli 8-da February ay dhacayso Doorashada.

Senator Fartaag, ayaa warqaddiisa is casilaadda u gudbiyay  gudoonka Guddiga Doorashada Somalia, iyadoo is-casilaadiisa u sababeeyay inuu yahay shaqsi taageersan Xasan Sheekh.

Fartaag ayaa shaqadan iska wareejiyay markii lagu eedeeyay inuu kamid yahay Xildhibaanada taageersan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxa'uud, oo kamid ah 24-ka Murashax ee u taagan Xilka Madaxweynaha Somalia.

Taageeradiisa ayaa soo if-baxday markii uu ka qayb galay kulan casho ah oo mudane Xasan u sameeyay Xildhibaano katirsan labada aqal ee Barlamanka Somalia.

Generalkan mar soo noqday Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug ayaa qorshihiisan ku tilmaamay inuu salka ku hayo inaan laga shakin Guddiga doorashada.

Gudiga Doorashada Madaxweynaha ayaan wali ka hadal Is-casilaadda Fartaag.

Waxaa jira wal-wal laga qabo in la musuq-maasuqo doorashada Madaxweynaha Somalia oo markii u horaysay u codayn doonaan Xildhibaano kamid ah labada Aqal ee Barlamanka Federaalka Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM

Go’aanka Mareykanka oo saameyn ku yeeshay howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya

Howlgalka ayaa si weyn ugu tiirsan taageerada UN-ka si loo bixiyo adeegyada saadka, caafimaadka iyo gaadiidka ciidamada.

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 01:51PM