Firdiye" Doorashada PL qeyb ka noqon mayno".

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Hogaamiyaha maamulka SSC-Khaatumo, Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali"Firdhiye" oo ka qeyb galayay kulan ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa la weydiiyay su'aalo la xiriira Puntland.

Firdhiye ayaa sheegay in Doorashada qof iyo cod ee Puntland aanay SSC-Khaatumo u diyaarsanayn hadii ay noqoto xulidii Isimadana aanay golaha sare ee dhaqanka SSC-Khaatumo aanay soo xuli doonin xildhibaanada.

Go'aanka ayaa u muuqda mid hadal heyn ka dhaliyay baraha bulshada balse bilawgii bishii labaad ee February ee sanadkaan, Isimada SSC-Khaatumo ayaa kasoo saaray shirkii Aayo ka tashiga in ay qaateen maamul madax banaan oo hoos tagga dowlada federaalka Soomaaliya.

Hadalka Firdhiye ayaa kusoo aadaya iyada oo ay bilooyin dhawr ah ka dhiman yihiin wakhtiga Dastuuriga ah ee Doorashada Puntland oo shantii sano-ba la qabto 08-da bisha koowaad ee January.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Fiqi oo Difaacay Ururka Jaamacadda Carabta Kaddib Dhaliil ka Timid Itoobiya

Safiirka dalka Itoobiya ee Muqdisho, Suleyman Dedefo, ayaa dhankiisa ku eedeeyay Jaamacadda Carabta.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 06:46PM

Mareykanka oo Xaqiijiyay Taageeradiisa Soomaaliya ee La Dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish

Maamulka Trump ayaa kordhiyay duqeymaha cirka ee dalka Soomaaliya, oo la eegnayo Al-Shabaab iyo ISIS.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 12:52PM