Fulinta qorshaha kala guurka amniga Soomaaliya oo laga shiray

Image
Image
Image
Waajibaadka shaqo ee ciidammada AMISOM ayaa la sheegay in uu ku egyahay dhammaadka bishan December.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa maanta Muqdisho ku qaabilay Taliyaha Ciidamada AMISOM, Janaraal Diomede Ndegeya.

Sida laga soo xigtey war-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda kaasoo nuqul kamid ah uu arkay Garowe Online, labada dhinac ayaa ka wada hadlay waajibaadka shaqo ee ciidamada AMISOM.

Intii uu kulanku socdey waxaa diiradda lagu saaray sidii loo hirgelin lahaa qorshaha ay Soomaaliya kula wareegayso sugidda amnigeeda qaran, iyada oo qorshaha kala-guurka lagu salaynayo heshiisyadii hore loo gaaray iyo waaqica jira, maadaama waajibaadka shaqo ee ciidammada AMISOM uu ku egyahay dhammaadka bishan December.

Sidoo kale, Wasiirka iyo Taliyaha ayaa ka wada hadlay qaabka ay isula falgeli lahaayeen Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeeed iyo kuwa AMISOM iyada oo marwaliba masuuliyadda jihaynta ay leeyihiin Soomaalidu.

Dhanka kale, wasiirka Cali, ayaa maanta Muqdisho ku qaabilay Siihayaha Safaaradda Jamuuriyadda Jabuuti ee Soomaaliya, Maxamed Ibraahim Yuusuf, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

Siihayaha Safaaradda Jabuuti ayaa la wadaagay Wasiir Cabdisaciid Muuse Cali hambalyo ku aaddan xilkan qaran ee loo magacaabay, sidda laga soo xigtey bayaanka wasaaradda.

Dhinacyada ayaa isla soo qaadey xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee walaalaha iyo deriska ah, waajibaadka shaqo ee ciidamada AMISOM iyo ka wada-shaqaynta danaha qaran ee labada dal iyo labada dad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo warka soo saartay Xaaladda Soomaaliya

Goluhu wuxuu ansixiyey Siyaasadda daboolida kharashaadka Adeegyada Caafimaadka - oo Golaha ay usoo gudbisay Wasaraadda Caafimaadka.

  • Soomaliya

    16-04-2026

  • 11:58AM

Villa Somalia oo go'aan ka gaartay qofka noqonaya Madaxweynaha xiga ee Koonfur Galbeed

Heshiiskan cusub ayaa loo arkaa mid si weyn u beddeli doona jihada siyaasadeed iyo nabadgelyo ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    16-04-2026

  • 05:04AM