Fursadaha maalgashi ee Soomaaliya oo lasoo bandhigay

Image
Image
Image
Image
Image
Madaxweynaha waqtigu ka dhamaadey ayaa khudbad ka jeediyay Shirweynaha Saddexaad ee Iskaashiga Turkiga iyo Afrika.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha waqtigu ka dhamaadey Farmaajo oo khudbad ka jeediyay Shirweynaha Saddexaad ee Iskaashiga Turkiga iyo Afrika ayaa soo bandhigay fursadaha iskaashi iyo maalgashi ee ka jira guud ahaan Qaaradda Afrika, gaar ahaanna Soomaaliya.

Farmaajo ayaa si qoto dheer uga hadlay muhiimadda uu leeyahay horumarinta iyo xoojinta iskaashiga ka dhexeeya Turkiga iyo dalalka Afrika, isaga oo tilmaamay in Shirweynahani uu faa'iido istiraatijiyadeed u leeyahay wax wada-qabsiga iyo xiriirka Labada dhinac.

"Soomaaliya waxay ku kalsoon tahay in 5-ta qodob ee istiraatiijiyadeed ee iskaashiga ah ee hoosta lagaga xarriiqay Shirweynahan, ay dhammaanteen inoo horseedi doonaan jewi nabad, caddaalad, xasillooni iyo barwaaqo ah,  sidoo kale ay keenayaan fursado aynu u simannahay dhammaanteen."

Madaxweynaha oo ka warbixiyey xiriirka miro-dhalka ah ee Soomaaliya kala dhexeeya Turkiga, mashaariicdii iskaashi iyo maalgashi ee labo geesoodka ah, mugga ganacsi iyo isdhexgalka bulsho ee Labada Dowladood, ayaa tilmaamay in iskaashiga Soomaaliya iyo Turkiga uu yahay mid ku dhisan Wax wada-qabsi, is-ixtiraam, isfaham iyo faa'iido labo dhinacle ah.

"Dowladda Soomaaliya iyo Turkiga waxaa ka dhexeeya xiriir soo jireen ah oo dhan walba ah. Waxa aannu ka markhaati kacaynaa waxtarka uu noo leeyahay iskaashiga dhabta ah ee aannu la leenahay Turkiga, kaas oo tusaale ay ku dayan karaan u ah walaalahayaga Afrikaanka ah."

Madaxweynaha oo ka warramay horumarrada ballaaran ee dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ka gaareen dhinacyada amniga, maalgashiga, kaabeyaasha dhaqaalaha, dib-u-dhiska hay'adaha dowladda iyo adeegyada bulshada, ayaa ugu baaqay Madaxda kasoo qeyb gashay Shirkan iyo maalgashadeyaasha caalamiga ah inay ka faa'iidaystaan fursadaha maalgashi ee ka jira Dalkeenna.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahadceliyey dhiggiisa dalka Turkiga Mudane Reccep Dayyip Erdogan, Xukuumadda iyo guud ahaan shacabka dalkaas garab istaagga iyo taageerada ay mar walba u muujiyaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, isaga oo hoosta ka xarriiqay in Soomaaliya ay soo dhaweynayso qodobbada wax-ku oolka ah ee kasoo baxay Shirkan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Fiqi: Taiwan waxay mashruuc halis ah kawadey Soomaaliya

Fiqi waxaa hadda loo magacaabey Wasiirka difaaca dalka, isagoo intii uu joogay wasaaradda arrimaha dibadda aad u xumaadey xiriirka dibadd.

  • Soomaliya

    03-05-2025

  • 12:24PM

Puntland: Weerar Daacish ku qaaday Saldhig Ciidan oo ku yaalla Dhasaan oo la fashiliyey

Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in howlgallada ka socda buuraha Calmiskaat ay sii socon doonaan ilaa laga baabi’inayo khatarta kooxda Daacish.

  • Soomaliya

    03-05-2025

  • 11:15AM