Gaadiidka AMISOM oo laga joojiyay inay isticmaalaan qaar kamid ah Waddooyinka Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia- Gudoomiyaha gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed ayaa soo saarey amar uu uga mamnuucay Gaadiidka ciidamada AMISOM qaar kamid ah Wadooyinka magaalada Muqdishu.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Cabdifitaax Cumar Xalane, ayaa sheegay in Gaadiidka AMISOM laga joojiyay marista Wadada dheer ee Makka Al-Mukarama, laga soo billaabo Isgoyska Sayida ilaa Isgoyska Banaadir.

Wuxuu intaas ku daray Afhayeenka in go'aankan uu soo baxay kadib markuu arkay; shilalka badan ee Gaadiidka AMISOM ka geesteen Wadada, kuwaasi oo dad shacab ah ay ku dhinteen.

"Markii arkay dhacdooyinka iyo Shilalka soo noq-noqday, markuu dhageystay tallooyinka Hay'adaha amniga iyo cawashada shacabka, wuxuu go'aamiyay Gudoomiyaha ka mamnuucay Gaadiidka AMISOM marista inta u dhaxaysa Isgoysyada Sayidka iyo Banaadir laga billaabo Subixii illaa saqda dhexe habeenkii," Ayuu yiri Xalane.

Waxaa lagu amray ciidamada Wadooyinka (Taraafikada) inaysan u ogolaan Gaadiidka AMISOM wadada laga joojiyay Isticmaalkeeda, sida ku xugan wareegtada Gudoomiyaha gobolka Banaadir Thaabit Cabdi.

AMISOM wali kama aysan hadlin amarka looga mamnuucay marida Wadada u dhaxaysa Sayidka illaa Banaadir.

Dhanka kale, Gudoomiye Thaabit wuxuu magacaabay Gollaha Amniga gobolka Banaadir kuwaasi oo ka shaqeyn doono xasilinta Nabad-gelyada Muqdishu, oo falalka ka dhanka amniga kusoo kordhayeen Mudooyinkii dambe.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Wajahaysa Marxalad Xasaasi ah iyadoo aan Laheyn Waddo Cad oo Doorashada ah

Arrintan ayaa sare u qaadday walaaca laga qabo xasilloonida siyaasadeed iyo kala-guurka dimoqraadiyadeed ee dalka.

  • Soomaliya

    05-06-2025

  • 02:53PM

Xasan Sheekh oo casuumad rasmi ah u diray siyaasiyiinta mucaaradka

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa la sheegay in ka caga-jiidayaan ka qeybgalka kulanka, maadaama ay ka maqan yihiin Puntland iyo Jubaland.

  • Soomaliya

    05-06-2025

  • 09:33AM