Gaari ay leedahay ATMIS oo ku gubtey qarax ka dhacay Muqdisho

Image
Ugu yaraan saddex qof oo haween ah ayaa lagu waramay in ay ku dhaawacmeen falkan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ugu yaraan saddex haween ah ayaa ku dhaawacantey qarax Isniinta maanta ah ka dhacay isgoyska KM4 ee caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, sidda ay xaqiijiyeen dhinaca caafimaad.

Illaa haatan, si dhab ah looma ogga waxa uu ka dhashay qaraxa oo dhacay xilli ay goobta marayeen kolanyo ka tirsan ciidamadda howlgalka ku meelgaarka ah ee Midowga Afrika [ATMIS].

Sawirro iyo muuqaallo laga helay meesha ay wax ka dhaceen ayaa muujiyey dab qabsadey mid kamid ah gaadiidka ATMIS gaar ahaan nooca loogu talagalay in ay qaadaan sahayda ee qeybta dambe ka furan.

"Haweenka dhaawacyada fudud ay soo gaareen waxay ku waxyeeloobeen holaca baabuurka oo sii fiday markii uu shidaal ka daatay gaariga," ayuu yiri sarkaal ka tirsan booliska oo warbaahinta ka hadlay.

Sarkaalkan oo ka gaabsadey in uu ka horudhaco waxa uu ka dhashay qaraxa ayaa carabka ku dhuftey in booliska uu baaritaan ku bilaabay qaraxa isla markaana natiijadda lala soo wadaagi doono dadweynaha.

Ma jirto koox illaa haatan dusha saaratay mas'uuliyadda falkan. Balse, Al-Shabaab ayaa horey u beegsatay kolanyo ay leeyihiin ciidamadda ATMIS iyo askarta dowladda federaalka Soomaaliya.

Taliska ATMIS ayaa todobaadkan u dabaaldegay sanad-guuradii koowaad ee kasoo wareegatay tan iyo markii laga badalay magaca AMISOM taasoo ka dambeysay markii loo muddeeyay in ay baxaan December, 2024.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo xiriir la samaysay Laftagareen si looga hor tago doorasho inuu qabsado

Falanqeeyayaasha ayaa ka digaya haddii cadaadiskan uu sii socdo, in Laftagareen uu ka bixi karo isbaahaysigii hore.

  • Soomaliya

    16-03-2026

  • 07:27PM

Koonfur Galbeed oo wajahaysa xiisad dagaal iyo loolan siyaasadeed

Xiisaddan ayaa la sheegay inay la xiriirto khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya hoggaanka Koonfur Galbeed iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    16-03-2026

  • 02:07PM