Gaari lagu rasaaseeyay Muqdishu iyo Khasaaro ka dhashay [AKHRI]

Image

MUQDISHU, Somalia - Koox hubaysan saarnaa Gaari, ayaa rasaas ku furey Gaari kale, oo ay la socdeen dad shacab ah, xilli uu marayay Xaafadda Suuq Liif ee degmada Dharkeenlay, oo katirsan gobolka Banaadir. 

Goob-jooge ayaa u sheegay GO in labo qof ay ku dhaawacmeen weerarka, oo u muuqday mid qorsheysan, oo la doonayay in lagu dilo Xildhibaan katirsan Barlamanka Federaalka Somalia oo lagu mgacaabo Sahra Cumar Maalin. 

Ciidamada Amaanka dowladda ayaa gaarey goobta, waxaana ay sameeyeen howlgal aan cidna lagu soo qaban, maadaama Kooxda falkaasi gaysatay ay baxsatay. Saraakiisha amniga wax fahfaahin ah wali kama bixin dhacdadan.

Wali ma jirto cid sheegatay Mas'uuliyadda weerarkan, oo noqonaya midkii labaad oo magaalada ka dhaca mudo labo maalmood gudahooda.

GAROWOENLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Wajahaya Go’doon Siyaasadeed iyo Isbahaysigiisii oo Burburaya  

Kala daadashadan waxay kusoo beegmaysaa xilli dalku wajahayo loolan adag oo la xiriira wax ka beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 01:20PM

Qarax ka dhacay Buuraleyda Calmiskaad oo lagu dilay afar qof

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hore u ballan qaaday in la xoojin doono howlgalada militari.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 12:45PM