Galkacyo: Duq la magacaabay Mise waa La doortay!

Image

GAALKACYO, Soomaaliya - Xubnaha Golaha deegaanka ee Galkacyo kuwaasi oo kusoo baxay Doorashada lagu muran-san yahay ee aan ka qabsoomin kala bar gobalada Puntland ayaa soo saaray warqad ay ku diidayaan faro-gelin ay Mulkiilayaasha Ururadu ku hayaan Doorashada maamulada degmooyinka isla markaana ay is Afgarad ka gaareen qeybsiga hogaanka degmooyinka.

17 xubnood oo kamid ah kuwa Galkacyo ayaa iska diiday kana baaqsaday ka qeyb galka Shir shalay Galkacyo ka dhacay kaasi oo wasaarada Arimaha Gudaha Puntland ay ku doonaysay in ay kusoo saarto duqa degmada.

Ururka KAAH ayaa ka maarmay xubnihii maqnaa iyada oo xubnihii shirka tagay oo 18 ahaa ay Duq degmada ugu dhawaaqeen Xasan Jidka oo horey xilkaasi uu si kumeel gaar ah Deni ugu magacaabay.

Aqoonyahanka Puntland iyo bahda ururada Bulshada ayaa walaac ka muujiyay xaaladda Murugsan ee Jiho-wareerka ururada siyaasadda Puntland soo wajahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamo mucaarad ku ah Lafta-Gareen oo la wareegay Qansaxdheere 

Xaaladda Qansaxdheere ayaa weli ah mid kacsan, waxaana jira cabsi xooggan oo ay dadka rayidka ah ka qabaan in markale uu dagaalku dib u qarxo.

  • Soomaliya

    14-03-2026

  • 02:11PM

Qarax khasaare u geystay ciidanka difaaca Puntland oo ka dhacay gobolka Bari

Weerarkan ayaa ku soo beegmaya xilli ay sii kordhayso walaaca laga qabo habsami u socodka hawlgallada Puntland.

  • Soomaliya

    13-03-2026

  • 07:10PM