Galmudug oo qabatay rag lagu tuhunsan yahay Al-Shabaab

Image
Magalada Galkacyo dhanka Galmudug ayaa la filayaa in lagu qabto doorashada 11 xildhibaan.

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Taliyaha Nabad Sugidda degmada Galkacyo ee dhanka Galmudug ayaa sheegtay in ay qabteen afar dhallinyaro ah oo looga shakiyay inay ka tirsan yihiin maleeshiyada Al-Shabaab.

Gaashaanle Xasan Axmed Cali ayaa shaaca ka dhigay ciidamada NISA xalay ay ka fuliyeen Konfurta Galkacyo howlgalka lagu soo qabtey shaqsiyaadkaas oo haatan wajahaya su'aalo-waydiin.

Taliye Xasan ayaa sidoo kale sheegay in howlgalku uu ahaa mid qorshaysan oo looga hortagayo falal amni darrada ah oo Al-Shabaab ay ka gaystaan Gaalkacyo.

Magalada Galkacyo, dhanka Galmudug oo la filayo in lagu qabto doorashada 11 xildhibaan ayaa waxaa ka socda howlgallo lagu xaqijinayo amniga kuwaasoo ay sameynayaan ciidamadda ammaanka.

Cali oo u waramay VOA ayaa tibaaxay inay hayaan xog ku aaddan in maleeshiyada Al-Shabaab ay qorshaynayaan in magalada Galkacyo ay ka geystaan falal lagu carqaladeynayo nabagalyada magaalada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Guudlaawe oo ku Dhawaaqay inuu Yahay Musharrax, Isagoo sugaya Tikidhka Xisbiga JSP

Dhinaca kale, dadka dega gobolka Hiiraan ayaa qaba tabashooyin waaweyn oo ka dhanka ah maamulka Cali Guudlaawe.

  • Soomaliya

    28-06-2026

  • 12:11PM

Soomaaliya: Agaasimihii Hore ee NISA oo Wasiirka Gaashaandhigga Ku Eedeeyay Cabsi-gelin Siyaasadeed

Hadalka Sanbaloolshe ayaa yimid kaddib markii Wasiir Axmed Macallin Fiqi uu sheegay in dowladda ay "u naxariisatay".

  • Soomaliya

    27-06-2026

  • 08:53PM