Xaaf oo Xayiraadda ka qaadey Garoonka Cadaado

Image

CADAADO, Soomaaliya - Waxaa maanta dib u shaqo billaabey Garoonka Diyaaradaha magaalada Cadaado, oo 4 maalmood kahor xayiraad kusoo rogay Madaxweynaha Galmudug, Axmed Ducaalle Geelle Haaf.

Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawadda Galmudug Cabdullaahi Cali Maxamed ayaa shaaciyay in Madaxweyne Xaaf uu fasaxay Adeegyadii Garoonka, iyadoo ay soo dagi karaan dhamaan duulimaadka.

Arintan ayaa ka dambeeyay Odayaasha dhaqanka iyo Waxgaradka Cadaado ayaa ka codsadeen Madaxweynaha in uu fasaxo shaqada Garoonka, kadib kulan Shalay ay ku yeesheen Magaalada.

Galmudug ayaa wali ku jirta Xaalad deg deg ah, oo socon doonto mudo 3 bilood ah, taasi oo dhaqan gashay maalintii shalay, waxaana go'aankaasi soo saarey Madaxweyne Xaaf.

Waxaa wali jira Khilaafka u dhaxeeya Madaxda Sare, ee Galmudug, oo ka dhashay Go'aankii Xaaf uu ku taageeraay Xulufada Sacuudiga, kaasi oo sababay in maamulka galo jahwareer kale.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Wajahaya Go’doon Siyaasadeed iyo Isbahaysigiisii oo Burburaya  

Kala daadashadan waxay kusoo beegmaysaa xilli dalku wajahayo loolan adag oo la xiriira wax ka beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 01:20PM

Qarax ka dhacay Buuraleyda Calmiskaad oo lagu dilay afar qof

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hore u ballan qaaday in la xoojin doono howlgalada militari.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 12:45PM