GEDO: Shaqaale Gar-gaar oo lagu afduubay Luuq

Image

KISMAAYO, Jubbaland- Shaqaale Gar-gaarka ka shaqaynayay gaar ahaan Tallaalka ayaa lagu afduubtay degmada Luuq ee gobolka Gedo, sida uu GO u xaqiijiyeen booliiska degmadaas.

Afar ruux iyo gaarigii ay wateen ayaa shalay galinkii dambe laga kaxaysta degmadaas iyagoo la tuhunsanyahay inay tallaabadaas ka dambeeyay ururka Al Shabaab.

Taliyaha Booliiska degmada Luuq Diyaad Cabdi Kaliil, ayaa sheegay in shaqaalaha laga kaxaystay meel qiyaastii degmada u jirta 15KM.

Wuxuu sheegay in dadkaas gacanta ugu jiraan kooxda Al Shabaab.

Lama oga sababta loo afduubtay howlwadeennada oo markaas ku jiray shaqo maalmeedkooda caadiga ah.

Shakhsiyaadka afduuban ayaa la shaqaynayay hay’adda caafimaadka Adduunka ee WHO, inkastoo aysan ahayn shaqaale rasmi ah, balse waxay ku howl galayeen hishiis joornaati dhan Shan bari.

Waxay wadeen adeeg caafimaad oo looga hortagayo cudurka Dabaysha.

Ururka Al Shabaab ayaa horay u mamnuucay in deegaanada ay ka taliyaan la geeyo tallaalka.

Dhawaan ayay ahayd markii shaqaale caafimaad sidaan oo kale loogu afduubay deegaano katirsan maamulka Jubbaland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM

Carruurta Soomaaliya oo halis wajahaya sababo la xiriira dagaalka Iran iyo Mareykanka

Hay’adda International Rescue Committee (IRC) ayaa sheegtay in 225 kartoon oo cunto laws ah oo haray xarun ay taageerto.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 12:06PM