Golaha Shacabka BF Soomaaliya oo cod u qaadey sharciyo muhiim ah

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaanadda Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo Arbacada maanta ah kulan ku yeeshay magaaladda Muqdisho ayaa meelmariyey sharciyo.

Fadhiga ayaa ku furmay kooram gaaraya 156-Xildhibaan, sidda laga soo xigtay xogheynta Aqalka Hoose. Maxamed Mursal Cabdiraxmaan, afhayeenka Golaha, ayaa gudoomiyey kulanka.

Ugu horeyn, Xoghayaha guddiga Maaliyadda, Xildhibaan Aadan Cali Xasan uu Golaha u akhriyay meelaha wax ka bedelka lagu sameeyay ee Sharciga Maareeynta maaliyadda guud.

Intaasi ka dib Xildhibaanadda Golaha oo u codeeyay Sharcigan ayaa waxaa codka "haa" ku ogolaatay 148-Xildhibaan, 6-Xildhibaan ayaa diiday halka 2-Xildhibaanna ay aamustay.

Wasiirka Maaliyadda, Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, ayaa Xildhibaanadda uga mahad celiyay sidda ay sharcigan u ansixiyeen.

Dhinaca kale, Xildhibaanadda ayaa u codeeyay Sharciga shirkadaha oo ay ogolaatay 156-Xildhibaan oo ah tiradda guud ee kulanka joogtay. Sharciga Shirkadaha ayaa kasoo noqday Aqalka Sarre.

Hindise sharciyeedyadan la ansixiyey ayaa loo gudbin doonaa madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, si uu u saxiixo kadibna loogu soo saaro faafinta rasmiga ah ee dowladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM

Go’aanka Mareykanka oo saameyn ku yeeshay howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya

Howlgalka ayaa si weyn ugu tiirsan taageerada UN-ka si loo bixiyo adeegyada saadka, caafimaadka iyo gaadiidka ciidamada.

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 01:51PM