Aqalka Sare oo dib u dhigay ka doodista Kiiska Qalbi Dhagax

Image

MUQDISHU, Somalia - Xildhibaanada Gollaha Aqalka Sare ee Barlamanka Federaalka Somalia, ayaa dib uu dhigay ka doodista Kiiska Cabdikariim Sheekh Muuse "Qalbi Dhagax" oo bishii August loo gacan geliyay Ethiopia.

Afhayeenka Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullahi, ayaa ku dhawaaqay in dooda ku aadan arinta Qalbi Dhagax, laga saarey Ajandaha Kulanka maanta, kadib markii ay 21 Mudane isku raaceen in dib loo dhigo.

11 Xildhibaan ayaa kasoo horjeysatay, 4 kalena way ka aamuseen codka loo qaadey dib u dhigista.

Xukuumadda Somalia ayaa dhamaadkii bishii lasoo dhaafey u dhiibtey Cabdikariim Qalbi Dhagax dowladda Ethiopia, oo katirsan ONLF, kadib markii ay Ciidamada Galmudug kasoo qabteen Gaalkacyo.

Kiiska Qalbi Dhagax ayaa dhaliyay buuq xooggan, iyadoo Siyaasiyiin iyo Xildhibaanno kasoo mid noqday dowladda Xasan Sheekh ay billaabeen kicin dadweyne, iyagoo doonaya inay iska horkeenaan dowladda Farmaajo iyo Shacabkeeda.

Waxay ku eedayeen Xukuumadda Khayre inay ku qaldanayd in Qalbi Dhagax u gacan geliso Ethiopia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Wajahaya Go’doon Siyaasadeed iyo Isbahaysigiisii oo Burburaya  

Kala daadashadan waxay kusoo beegmaysaa xilli dalku wajahayo loolan adag oo la xiriira wax ka beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 01:20PM

Qarax ka dhacay Buuraleyda Calmiskaad oo lagu dilay afar qof

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hore u ballan qaaday in la xoojin doono howlgalada militari.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 12:45PM